Thursday, August 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxeexday heshiis lagu horumarinaayo wax-soo-saarka Dalka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxeexday heshiis lagu horumarinaayo wax-soo-saarka Dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo hay’adda dhinaca horumarinta u qaabbilsan Talyaaniga, ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan mashruuc kor loogu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale ee Dalka.

Mashruucan oo ay fulinayaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO, ayaa munaasibad looggu qabtay xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxa si wada-jir ah u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj; Cabdullaahi Cali Xasan iyo Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta ee Talyaaniga Mr; Gugleilmo Giordano, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador; Alberto Vecchi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO iy ILO iyo weli ba sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ganacsiga.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026

Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Talyaaniga Mr; Gugleilmo Giordano oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay mashruucan ka fuliyaan wadanka, waxaana uu xusay in mashruucani bilow u yahay mashaariic kale oo horumarineed oo ay Dalka ka fulinayaan.

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan dhinacyada horumarka iyo dhismaha dawladnimo ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Inj; Cabdullaahi Cali Xasan ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u lee yahay guud ahaan dalka, waxaana uu xusay in sidoo kale lagu horumarinaayo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca Wax-soo-saarka dalka isaga oo sidoo kale na tilmaamay in mashruucan ay si wada-jir ah uga soo wada-shaqeeyeen Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Beeraha iyo weli ba sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee fulinaaya mashruucan.

“Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo weli ba hay’adaha dawladda ee Wax-soo-saarka dalka”. Ayuu yidhi Inj. Cabdullaahi Cali Xasan.

Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi: “Mashruucani wuxu kor u qaadayaa dhaqaalaha wadankeena, wuxu dadka u abuurayaa shaqo, wuxu lee yahay fursado dhaqaale, wuxu abuurayaa meelahii laga sameyn lahaa warshadaha dalka iyo weli ba sidoo kale inuu innoo abuuraayo tartan dhex-mara hay’adaha wax-soo-saarka ee dalka oo ay ku tartamaan wax-soo-saarka Dalka.”.

      

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho.

Next Post

Ciidanka xoogga Dalka oo xalliyay shaqaaqo ka dhacday degaanno hoostaga Baladweyne

Next Post
Ciidanka xoogga Dalka oo xalliyay shaqaaqo ka dhacday degaanno hoostaga Baladweyne

Ciidanka xoogga Dalka oo xalliyay shaqaaqo ka dhacday degaanno hoostaga Baladweyne

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In