Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Turkiye oo bilaabaya hannaan iskaashi ee dhanka Macdanta (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Turkiye oo bilaabaya hannaan iskaashi ee dhanka Macdanta (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

Soomaaliya iyo Turkiye oo bilaabaya hannaan iskaashi ee dhanka Macdanta (WARBIXIN)ฤทMunaasabadda lagu soo dhaweyayay Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho bishii Oktoobe ee sanadkii hore, balse haatan sahmin ka wada 3 Xermo oo ku teedsan Xeebaha magaalooyinka Mareeg ilaa Hobyo ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa la sheegay in tani ay muujineyso walaaltinimada labada Dal iyo labada Shacbi. โ€œImaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee dalka soo gaaray ayaa caddeyn u ah loo daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dalโ€ ayuu yiri Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS Cabdirisaaq Cumar.

โ€œMarkabka Oruc Reis ee Turkiga oo kala bar maraya cilmi-baaristiisa seismic ee Soomaaliya ee xeebahaโ€, waa Cinwaanka lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Turkiye โ€˜Anadolu Agencyโ€™ shalay oo taariikhdu aheyd 7-da bishan Febraayo, ย ย Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay in markabka Oruc Reis uu soo gabagabeeyay 50% cilmi-baaristii seismic ee badda Soomaaliya. Bayraktar ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Wasiirka cusub ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed iyo wafdigiisa, sida uu Wasiirka Turkiga ku sheegay qoraal uu soo dhigay X.

Labada Wasiir โ€œwaxay ka wadahadleen habka soo socda ee howlaha sahaminta iyo iskaashiga cusub ee aan ku horumarin karno dhulka,โ€ ayuu yiri. Bayraktar waxa kale oo uu kulanka ka dib ku dhawaaqay in la bilaabay hannaan cusub oo wada shaqayneed oo ku saabsan macdanta Soomaaliya. โ€œWaxaan sii wadi doonaa dadaalkayaga ku aaddan sidii aan iskaashigeenna xagga tamarta iyo macdanta u gaarsiin lahayn heer u qalma xiriirka dhow oo daacadda ah ee ka dhexeeya dalalkeenna,โ€ ayuu sii raaciyay.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho bishii Oktoobar ee la soo dhaafay howshiisa sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya. Oruc Reis waxa uu baaritaanno seismic ah oo saddex-geesood ah ka wadaa biyaha Soomaaliya, isaga oo ururinaya xogta sahaminta Saliidda iyo Gaasta dabiiciga ah muddo ku dhow lix ilaa toddoba bilood. Xogtan ayaa lagu falanqeyn doonaa magaalada Ankara, si loo ogaado meelaha la qodayo marka sahanku dhammaado. Sida ay ay daabacday Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, uu kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar. Kulankan oo ka dhacay Istanbul ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada sahminta iyo horumarinta Batroolka.

kulanka ayaa lagu sheegay in markabka sahminta ee Oruรง Reis uu dhammeystirayย 50%ย sahmintiisa seismic ee Biyaha Soomaaliya, taasoo ah guul muhiim oo la gaaray, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ย muujiyay kalsoonida uu ku qabo in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, oo ka hadlaayay kulan muhiim ahaa ee uu la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar, ย si loo xoojiyo arrimaha ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya iyadoo Kulankaasi oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada sahminta iyo horumarinta Batroolka, waxaana Wasiirka uu uga mahadceliyay Dowladda Turkida dadaalada horumarineed ay ka wada Soomaaliya.

Faahfaahinnada ka soo baxaya kulankaasi ayaa lagu sheegay in Markabka sahminta ee Oruรง Reis uu dhammeystiray 50% sahmintiisa seismic ee biyaha Soomaaliya, taasoo ah guul muhiim oo la gaaray, marka uu dhammeeyo sahmintaani ayaa waxaa la sheegayaa in uu sidoo kale sameeyay dib u eegis ku saabsan istaraatiijiyadda sahaminta shidaalka dhulka Soomaaliya.

Dadka ka faallooda arrimaha Tamarta iyo Shidaalka ayaa sheegaya in dowldda Soomaaliya laga doonayo in ay shacabka mar walba la wadaagto warbixinada la xariira hadba xaaladda shidaal baarista dalku uu marayo, si ย ay dowladdooda ugu kalsoonaadaan.

Wasiirka Batroolka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in ay Wasiirka Batroolka Soomaaliya ay isla qiimeeyeen habka mustaqbaliga ah ee howlaha sahaminta iyo iskaashiga cusub ee lagu horumarin karo howlaha sahminta shidaalka, waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay inay goโ€™aansadeen in labada Dowladood โ€˜ waa Soomaaliya iyo Turkiyeโ€™ย ay bilaabaan hannaan iskaashi oo cusub oo dhanka macdanta ah.ย โ€œWaxaan sii wadi doonaa dadaalkayaga ah in aan kor u qaadno iskaashigayada dhinacyada tamarta iyo macdanta ahโ€ ayuu yiri Wasiirka Batroolka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire ayaa isna muujiyay kalsoonida uu ku qabo in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wara kale ee la helayo ayaa tibaaxaya in Khubarada ka socota wadanka Turkiye ay haatan qorsheynayaan inay goor dhow bilaabi doonaan sahminta Macdanta ee dhulka Soomaaliya guntiisa ka buuxda, taasi oo muujineysa inay dhulka Soomaaliyeed ay ka buuxaan Shidaal iyo macdanaha noocyadooda kala duwan, sida laga soo xigtay Khubaro ku xeel dheer howlaha macdanta iyo shidaalka. โ€œGaajo iyo Faqri Soomali waa is daayeen Shidaal baaristii Xooggeeda waa soo dhaamatay, Qudistii in ay bilaabato kaliya ayaa hartay, mid dhulkana dhawaan ayay bilaabanayaaโ€, sida uu qabo Wiil dhallinyaro ah, balse โ€˜waa haddii si fiican loo maamuloโ€™.

By. C/lahi Ruush

Previous Post

Hamas iyo Israel oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

Next Post

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait

Next Post
Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
0

Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In