Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya Oo Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Ka Hor-Jeedisay Mowqifkeeda Adag Ee Qaddiyadda Falastiin

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
11 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya Oo Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Ka Hor-Jeedisay Mowqifkeeda Adag Ee Qaddiyadda Falastiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(NEWYORK):- Intii lagu guda jiray kulankii 10,000-aad ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya si cad uga muuqatay taageerada shacabka Falastiin.

Wakiilka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Mudane Abukar Dahir Osman (Baalle), ayaa khudbad xamaasad leh oo uu jeediyay ku cambaareeyay fashilka Golaha, ee joojinta dagaalka Qaza.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026

Soomaaliya waxay ka mid ahayd tobanka xubnood ee aan joogtada ahayn ee soo gudbiyey, qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg oo shuruud la’aan ah, gargaar bani’aadamnimo oo aan carqalad lahayn oo la gaadhsiiyo walaalaha Gaza, iyo sii deynta la haystayaasha. Qaraarkani ayaa wuxuu helay 14 cod oo taageero, balse waxaa xannibay oo awoodda VETO POWER u isticmaalay Mareykanka, isagoo ku andacoonaya in qaraarku aanu marnaba toos u cambaareynin Xamaas,iyo inuu meesha ka saarayo waxa uu ugu yeedhay isdifaaca Israa’iil.

Wakiilka Soomaaliya wuxuu ku adkeystay in malaayiin Falastiiniyiin ah, ay maanta dunida uga baahan yihiin gargaar bani’aadantinimo, xaqna ay u leeyihiin inay nabad ku noolaadaan, taas oo sii xoojinaysa soo jeedinta wakiilka ee xabbad joojin degdeg oo joogto ah oo ka dhaqangasha Gaza.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qayb gashay mashruuca caalamiga ah ee isku dhafka dhaqanka iyo Gaadiidka

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha XFS Oo La Kulmay Wasiirka Dekadaha Ee Dalka Turkiga

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha XFS Oo La Kulmay Wasiirka Dekadaha Ee Dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha XFS Oo La Kulmay Wasiirka Dekadaha Ee Dalka Turkiga

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In