Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo martigelisay aqoon isweydaarsiga howlgelinta suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo martigelisay aqoon isweydaarsiga howlgelinta suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa martigelisay aqoon iswaydaarsiga wacyi-gelinta ee gobolka, gaar ahaan waddamada ku bahoobay suuqa xorta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (COMESA) oo la xiriira hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika (SAATM), taaso Soomaaliya ka dhigtay dalkii u horreeyay ee martigelinaya aqoon iswaydaarsigan.

Waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday Wasaaradaha bahwadaagta ah ee Dawladda Federaalka ee kala ah: Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Ganacsiga, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Jaamac Cumar oo aqoon iswaydaarsigan furay, ayaa sheegay inay Soomaaliya xoojinayso dadaalladeeda ku aaddan hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika , isagoo markaa sheegay inuu Dalka muddo kooban ka mid noqday waddamada ugu horreeya ee dhinaca duulista Hawada.

Maareeyaha guud ee Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa dhankiisa sheegay in horumaridii u dambeeyay ee la sameeyay inay fududeeyeen Soomaaliya inay xoojiso doorkeeda hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika.

“Dalkeenna Duulista Hawada , wuxuu ka jooga horumar tusaale noqday.” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Axmed Macallin oo intaa ku daray “ Aqoon iswaydaarsigan wuxuu Soomaaliya uu u diyaarinayaa ka faa’iideysiga Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika.”

Aqoon is-weydaarsiga oo maanta la soo gabagabeeyay ayaa socday labo maalin waxaana soo qabanqaabiyay barnaamijka Taageerada Horumarinta Gaadiidka Cirka (SATSD) ee Bariga Afrika, Koonfurta Afrika iyo Gobolka Badweynta Hindiya (EA-SA-IO)

Previous Post

Danjiraha JFS ee Ethiopia oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxa Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug oo koobkii degmooyinka guddoonsiiyay degmada cabudwaaq

Next Post
Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug oo koobkii degmooyinka guddoonsiiyay degmada cabudwaaq

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug oo koobkii degmooyinka guddoonsiiyay degmada cabudwaaq

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In