RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Suudaan ayaa kala saxiixday heshiis is-dhaafsi fiiso oo u gaar ah dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadeed, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah isla markaana lagu fududeynayo wada shaqeynta diblomaasiyadeed ee labada dal.
Heshiiskan ayaa la gaaray 2-da Abriil intii lagu guda jiray kalfadhigii labaad ee Guddiga Wadatashiga Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Suudaan, kaas oo ay si wadajir ah u guddoominayeen Mudane Xamse Aadan Xaadow, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Danjire Muawiya Cismaan Khaalid, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo kobcinta awoodda hay’adaha, iyadoo sidoo kale la xoojiyay isku duwidda arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.












