Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo xustay Maalinta Afrika, xaqiijisayna inay ka go’an tahay midnimada iyo cadaaladda Qaaradda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo xustay Maalinta Afrika, xaqiijisayna inay ka go’an tahay midnimada iyo cadaaladda Qaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

asaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta xarunteeda ku qabatay munaasabadda xuska Maalinta Afrika, oo ah xuska markii dhidibada loo taagay Ururka Midnimada Afrika (OAU) 25 May, 1963, iyadoo sanadkii 2002 loo beddelay Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in 25 May ay tahay maalin ku weyn Afrika oo ay ku beegantahay taariikhda markii la aas’aasay Ururka Midnimada Afrika, kaasoo markii dambe loo beddelay Midowga Afrika, isaga oo sheegay in ajandaha Afrika uu mudnaanta koowaad u yahay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Wasiirka ayaa u rajeeyay Afrika guul iyo horumar, si la mid ah Soomaaliya in ay hiigsato baraare, isaga oo adkeeyay muhiimadda cadaaladda ay u leedahay Afrika, haddii ay ahaan lahayd wixii ka soo gaaray halgankii ay uga soo horjeedday gumaysiga iyo xoojinta isku-caddaalad-falka dhexdeeda.

Munaasabadani oo Wasaaraddu kala kaashatay Bankiga IBS ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Safiirrada dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Soomaaliya, waxa ay xubin aas’aase ka ahayd Ururka Midnimada Afrika (OAU), iyadoo saxiixday axdigii lagu aas’aasay sanadkii 1963, waxa ayna kaalin muuqata ka qaadatay taageeridda ururradii xornimo-doonka ee Koonfurta, Bartamaha iyo Bariga Afrika, iyadoo sidoo kale ka qeyb-qaadatay dadaallo xal loogu helay qulqulatooyin iyo loolanno milatari oo ka dhexeeyay dowlado. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay martigelisay shir-madaxeedkii 11aad

Previous Post

Ciidamada Booliska oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan kiis dil ah

Next Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka qeybgalay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha

Next Post
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka qeybgalay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka qeybgalay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In