Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa go’aankii Xafiiska Musuq Maasuqa Daran uu ku soo afjaray baaristii Soma Oil & Gas

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Batroolka & Macdanta waxay soo dhaweynaysaa go’aankii Xafiiska Musuq Maasuqa Daran ee Boqortooyada Ingiriiska uu ku soo afjaray baaristii Soma Oil & Gas Exploration Limited (SOMA). Soma ayaa lagu eedeeyay in lacag laaluush siisay masuuliyiin Soomaaliyeed oo ka tirsan Wasaaradda Batroolka & Macdanta. Eedaynta Soma ayaa noqotay mid dad badan soo jiidata dareenkooda. Nasiib wanaag baaristii waxay ku soo gaba gaboobday inayan jirin wax cadeyn ah oo sheegaya in laaluush la kala qaatay.

Go’aankaan ayaa la mid ah go’aankii ay soo saareen sanadkii hore (2015) guddi madaxa banaan ee u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddigaan madaxa banaan ayaan wax cadeyn ah u helin waqtigaas in heshiiska tayaynta shaqalaha ee u dhexeeyay Wasaaradda Batroolka iyo shirkadda Soma Oil uu ahaa mid wax kala bedelasho ah ama laaluush lagu kala qaatay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Soomaaliya hadda ayay bilaabaysaa horumarinta ka faa’idaysiga shidaalka. Dawladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an inay sameyso siyaasad cad, hay’ado karti leh iyo kaabayaal sahli kara ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga. Waxaan ognahay inaan la horumarin karin arimaha shidaalka haddii aanay jirin siyaasad iyo qorshooyin cad oo wax looga qabanaya musuq maasuqa.

Baaritaanada noocan ah wuxuu nagu caawinayaa inaan si hufan u shaqeyno. Waxaan sii hagaajinaynaa qaab shaqeedkeena si aan qayb kaga noqono horumarinta dhaqaalaha dalka. Waan soo dhaweynaynaa go’aankan.

Previous Post

Doorashada Kuraasta Baarlamaanka ee G/Waqooyi oo markale dib uga bilaabatay Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In