Iyadoo aannu xuseyno toddobaadkii maalmaha xorriyadda soomaaliyeed ee 26ka Juun iyo 1da-Luulyo 2015, waxaa halkaan akhristeyaasha website-ka Radio Muqdisho ugu soo bandhigeynaa qormooyin aan kaga warrameyno taariikhda halgammadii xornima doonka Soomaaliyeed oo kala ahaa :-
- Taariikhdii Halgankii Imaam Axmed Ibraahim Gurey 1520—1543kii.
- Taariikhdii Halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan 1899—1920Kii.
- Taariikhdii Halgankii Ururkii Dhallinyarada ee SYL eey Xornimada ku dhaliyeen 1960Kii.
Dhammaan halgammadu waxay ahaayeen kuwo isku ujeeddo ah inkastoo waqtiga iyo xaaladaha halgamayaashu wajahayeen kala duwanaayeen balse nasiib wanaag waxaa halgankii ku guuleysta ururkii SYL, in uu xornimo gaarsiiyo dalka 1da-Luulyo 1960kii, iyo israacii labada gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, haddaba waxaa taariikhdaas idinkugu soo gudbineynaa hadba sidey u kala horreeyaan.
Halgankii & Taariikhdii Imaam Axmed Gurey 1920kii———-1943kii.
Imaam Axmedd Ibraahim Gurey, wuxuu ku dhashay tuulo ka mid ah gobollada Harar, oo la yiraahdo (Hoobato) sannadku markuu ahaa 1488.
Imam Axmed Guray, wuxuu yaraantiisa ku soo barbaaray magaalada Harar, intuu joogay magaalada magaalada harar, wuxuu galay dugsi qur’aan, halkaasoo uu ka bartay qur’aanka kariimka ah.
Axmed Guray, muddadii uu joogay magaalada Harar, wuxuu ahaa wiil yar, hase yeeshee waxaa la sheegay in uu ahaa wiil firfircoon oo aad ay uga muuqatay ragannimo iyo geesinimo dheeraad ah.
Axmed Guray, isagoo aan weli qaangaarin, ayuu Aabahiis dhintay, dabadeedna waxay hooyadiis ay u soo qaaday magaalada seylac, wuxuuna halkaas ka sii watay barashada quraanka iyo diinta islaamka.
Intii uu joogay Axmed guray, magaalada seylac, waxaa ka sii muuqatay ragannimo iyo inuu yahay wiil dadaal badan.
Markii uu weynaaday, waxaa markiiba ka muuqatay haybad iyo urursanaan, wuxuuna ahaa nin fikrad weyn oo dabiici ah oo dagaalyannimo, leh xeelada ku saabsan nidaaminta iyo ururinta ciidan dagaal.
Axmed Guray, wuxuu ugu horreyntii wuxuu ciidan aan badneyn ku ururiyay magaalada seylac, gadibna, wuxuu usoo guuray gobolka awdal la oran jiray.
Halkaas oo dowlada xoog lihi ka sameysneyd, wuxuuna sii watay ururinta ciidamada, muddo gaaban ka dibna, wuxuu isu keenay ciidan soomaaliyeed oo xoog leh.
Axmed guray, marka uu ururinayo ciidammada, wuxuu la socday in boqorka xabashida heshiis la galay,boqorkii burtaqiiska , si bortiqiisku gacan uga siiyo boqorka xabashida, sidii loo baab’in lahaa dadyowga islaamka ee geeska afrika deggan.
Sidaa daraaddeed, wuxuu dhinaca kale, kaalmo weydiistay dowladdii islaamka ahayd ee Turkiga.
Dowladda islaamka ee Turkiga, waxay ka ballan qaadday in axmed guray iyo dowladdiisa gacan weyn u fidineyso, hase yeeshee, kaalmadiisi uma dhigmeyn kaalmada uu burtiqiisku siiyay boqorka xabashida.
Axmed Gurey dagaalladiisii kuwii ugu horeeyey wuxuu bilaabay 1521kii, hase yeeshe mudda 7 sano ah dagaallada axmed gurey iyo xabashida dhexmaray ma ahayn kuwo waaweyn, waxaase jirtay in goobkasta ay guusha ku raaci jirtay Axmed Gurey dagaalladii ugu waaweynaa ee dhexmaray Axmed Gurey iyo xabashida waxay bilowdeen 1528kii waxayna ka bilowdeen magalada harar geesteeda koonfur beri, wuxuuna go’aansaday axmed gurey inu xabashida dersi fiican siiyo, markaa kadibna xabashida ay Soomaalidu nabadgeliso.
Sidaa darted, Axmed Gurey wuxuu afka saaray oo uu u kicitimay gobollada xabashida lahayd oo ay ka mid ahaayeen sidaamo iyo baali wuxuuna qabsaday labadasi gobol dhib la’aan isagoo ku faafiyay xeerarkii Soomaalida.
Ciidammadii Axmed Gurey, waxay baabi’iyeen cidankii xabashida markii qabsaden labada g obol ee ugu waaweynaa uguna caansanaa dalka boqortooyada xabashida ee ahaa shawa iyo goojaam.
Dowladda Bortaqiiska iyo Xabashida qasaaro weyn ayaa garay ayadoo lagu dilay taliyihii ciidanka bortuqiiska.
Dabadeed, mudo ayey isu ururiyeen ciidan iyo hub xoog leh si ay u aargoostaan, waxayna 1543kii, soo qaadeen weerar dagaal, waxaase jilibka u dhigay ciidammadii axned gurey oo celiyey.
Nasiib darrose ciidammadii Axmed Gurey, uma suurogelin iney jebiyaan ciidammada 2aad ee Bortuqiiska iyo Xabashida, waxaana halkaas lagu dhaawacay Iimaam Axmed Gurey
Dhaawacaasna ugu dambeyntii uu u dhintay isla sanadka 1543kii.
Iimaam Axmed Ibraahim Gurey, kadibna ma aysan ka abuurmin dalka Soomaalida dowlado waa weyn gaar ahaan gesta waqooyi iyo geesta galbeed ee Soomaalidu degto
Dowladihii Seylac, Owdal Harar iyo meelo kaleba wey baaba’een waxayna noqdeen amiirro iyo suldaanno yar yar.
Xeebaha waqooyi ee soomaalida oo dhan, waxaana gacanta ku qabtay oo xabashida ka hor istaagay dowladii islaamka ee turkiga ee gacanta ku haysay.
Dalalka Masar iyo Suudaan ilaa gumeystayaashii Ingiriiska, Xabashada iyo Faransiiska, xoog u qabsadeen dhulaalkii Soomaaliyeed ee Turkiga kor ka ilaalinayey .
Marki dowladdi weyneyd ee Iimaam Axmed Gurey bur burtay ka dib, waxaa dhulka Soomaalida ka abuurmay dowlado yar yar oo ah suldaamo iyo amiirro dhaxaltooyo ah ay ka taliyaan, oo ay ka mid ahaayeen boqortooyinkii Seylaac iyo Baali.
Ilaa Qarnigii 19 aad gobollada koonfureed ee Soomaaliya, waxaa ka jiray dowlado aad uga horreeya dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaana ugu taariikh dheeraa magaalooyinka:-
Muqdisho, Marka, Baraawe, iyo kuwa kale, balse markii dambe, waxaa qabsaday boqortooyadii Masqat, oo fadhigeedu ahaa dalka Cummaan, waqtigii uu boqorka ka ahaa Sayid Saciid Barqash, kadib boqortooyadii Masqat, waxay u kala jabtay laba boqortooyo , mid xarunteedu tahay masqat caasimadda cummaan iyo mid xarunteedu tahay Sansibaar waxayna magaalooyinka Soomaalida ka mid noqdeen boqortooyadii Sansibaar,waxaana magaalooyinkaasi xukumi jiraiy nin waali ah, oo uu soo magacaabo boqorkii Sansibaar, waali kasta wuxuu lahaa ciidan oo uu isaga maamulo, una madax bannaan yahay ilaa billowgii Qarnigii 20 aad, xukunka gobollada banaadir iyo labada shabeelle wuxuu ku jiraiy boqortooyadii Sansibaar.
Gobolka Bari ee dhulka Soomaalida, waxaa Qarnigii 19 aad ka soo baxay laba boqortooyo oo aan aad u xoog badneyn, oo ay boqorro ka ahaayeen:- Boqor Cali Yusuf iyo Boqor Cismaan Maxamuud.
Gobolka Waqooyi galbeed, waxay ayana qarnigii 19aad, ka mid noqdeen xukunkii dowladdii islaamka ee Turkiga ee xukumayay xeebaha soomaalida ee xeebaha berbera iyo seylac, waxaana laga wada xukumi jiray magaalada seylac, waxaana markii dambe loo wareejiyay magaalada Harar ilaa burburkii dowladdii Turkiga.
Taariikhdii Halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan 1899kii——–1920kii
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, markii uu Berbera ka soo degay 1895kii, isagoo xajka ka yimid, wuxuu tegay miyiga magaalada berbera isagoo fidinayo diinta islaamka, wuxuuna ku wacdin jiray inay dadku isnaacaan, isna diriraan.
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, wuxuu heshiis dhex dhigay beelihii halkaas wada degganaa haddii ay colloobaan.
Sidaa awgeed, Ingriisku wuxuu Sayidka u arkeen ugu horreynba in uu yahay mid laga dambeeyo oo awood u leh inuu xasiloonaan ka dhex dhalin karo beelaha Soomaaliyeed.
Kuxigeenkii Qunsulkii Ingriiska ee Berbera u fadhiyay, wuxuu xiriir joogto ah la lahaa Sayid Maxamed C/dulle Xasan, haddii Miyiga qas ama rabshad ka dhaco waa lala socodsiin jiray, waxaana laga codsan jiray inuu qaskaas wax ka qabto.
Ingriisku wuu ogaa in Sayidku leeyahay Xer badan, hase yeeshee, marnaba kama cabsaneyn kamana fileyn in uu halgan gobannimo doon ka billaabo geyiga Soomaaliyeed.
1899kii, waxaa soo baxay warar tibaaxaya oo magaalada Berbera soo gaaray Ingriiskuna uu maqlay in Sayid Maxamed C/dulle Xasan uu urursanayo rag iyo saanad si uu ugu duulaamo, qabsado degmooyinka koonfur bari ee gobollada waqooyi.
Dowladda Ingriiska, waxay ku dhaqaaqday in arrintaa ogaato waxa ka jira run iyo been, hase yeeshee, uma suura-gelin in uu si sahal ah ku ogaado aqbaarta Sayidka , waayo dadka soomaalidu ee reer guuraaga ahaa waa diideen inay ingriiska u xog warramaan haddii la wareysto.
12ka April 1899kii, Qunsulkii Sare ee Ingriiska Gashaanle Sare J. Hayes Dowsan, waxaa soo gaaray warar sheegaya in Sayidka Madax ka yahay Ciidammo hubeysan oo tiradoodu gaareyso Saddex Kun (3000) tabaabushana ugu jira duullaan ba’an oo uu ingriisku soo qaado.
Bishii Agoosto 1899kii, waxay ilaaladii Ingriisku sheegtay in Sayidku yimid magaalada Burco, isagoo wata ciidan shan kun (5000) gaaraya, oo kun iyo shanboqol (1500) ka mid ah yihiin Fardooleey, isla markaana Saddex boqol oo ka mid ah haystaan Banaadiikh.
Magaalada Burco, waxay ahayd meel xagga tabaha dagaalka aad ugu haboon, waayo, waxay lahayd biyo joogto ah xilliyada abaaraha.
Sayid Maxamed C/dulle Xasan, markii uu yimid wuxuu si barer ah ugu dhawaaqay inuu dagaal gobannimo doon ah ingriiska kula jiro, ciidankiisuna wuxuu ku magaacab (Daraawiish), wuxuuna faray beelaha Soomaaliyeed oo idil inay gumeysiga ingriiska la dagaallamaan.
Sidaa darteed, magaalada Berbera, waxaa soo gaaray warar cabsi leh oo sheegaya, in ciidammadii Sayidka ku soo dhow yihiin Berbera, markii ay soo galaanna ay gubi doonaan maalka iyo mowdka shisheeyuhu ku leeyihiin Berbera.
Arrintaas argagax iyo cabsi ayeey ku ridday Ingriiska iyo ganacsatadii Hindida ahayd ee halkaasi degganeyd, waxay xoolahooda iyo badeeco ah ku rarteen markab la oran jiray (Faalkoon) waxayna u qaxeen magaalada Cadan ee uu Ingriisku gumeysto.
Shisheeyihii ku haray Berbera, habeen qura ma ladin hurdo, ilaa xeebta berbera ka soo gaaray laba markab dagaal, oo la kala oran jiray Medas dagaal, iyo Bahamas.
1dii-September 1899kii, Sayidka wuxuu warqad u qoray Ingriiska, oo uu ugu sheegayo inuu dagaal gobannimo doon kula jiray, uu doonayo inuu Ingriiska dalka isaga baxo, haddii kale dagaal isu diyaariyo.
Qunsulkii sare ee Ingriiska markii uu akhristay warqaddii Sayidka aad ayuu u carooday, waxaana Ingriiska u aqoonsaday Sayidka Nin ku shuftoobay xukunkiisa, wuxuuna digniin ku bixiyay Soomaalidii xukunkiisa ku hoos jirtay in ay ciqaab la kulmi doonaan haddii wax xiriir ah la yeeshaan ama kaalmo u fidiyaan.
Ingriisku, waxay Sayidka u baxsheen (( Mad Mullah)) oo macnaheedu yahay ((Wadaadkii Waalnaa)), waayo xilligaa gumeysigu waxaan miyir qabin oo isbiimeyn ah ayuu u haystay ciddii xoogga Ingriisku leeyahay isku daye inuu ka hor yimaado.
Billowgii Sannadkii 1900, Ingriisku wuxuu heshiis la galay Boqorkii Xabashida Boqor Mililig, waxayna ku heshiiyeen in ay wadajir Sayidka ula dagaallamaan, waxaana Bishii Maarso 1900, ka soo ambabaxay magaalada Harar ciidammo xabashi ah oo uu hoggaaminayay Sargaal Ingriis ah,waxayna 24kii Maarso Daraawiishta iyo ciidankii xabashida isku haleeleen Jig-Jiga halkaasoo ciidankii xabashida laga dhigay wax la dilay iyo wax la dhaawacay.
Bishii November 1900, waxaa magaalada Barbera yimid G/Sare Swayne, si uu hoggaamiyo duullaankii ugu horreeyay ee Sayidka lagu qaado.
G/sar, Swayne, waxaa loo xilsaaray in uu dhiso Ciidammadii Sayidka laga horgeyn lahaa, wuxuuna adkeeyay heshiiskii uu Ingriisku la lahaa Boqorka Xabashida, waxayna go’aan ku gaareen in ciidammo huwan ah oo daraawiish dagaaal ku qaadda la diyaariyo, waana la siyaariyay.
Ingriisku, wuxuu dagaakan ku waayay kumanyaal askar iyo saraakiil fara badan oo uu ku dhaaran jiray, waxaana ka mid ahaa G/lle-Philip, Dhamme, J.N. Arms, Dhamme,C.N.S.Cord iyo kuwo kale oo fara badan.
Marki Korneyl Swayne, dib ugu soo laabtay Berbera, wuxuu bixiyay xogwarrankan.
Waxaan aad ula yaabay sidey naftooda u biimeynayaan daraawiishtu, marnaba uma maleyneyn, ilaa aan dagaal kula kulmay in khatarta Daraawiishtu heerkaan gaarsiiisan tahay.
Daraawiishtu,waxay u badan yihiin niman xaasaskoodu,ciddoodii iyo maalkoodii ka soo tegay, si ay u noqdaan naftood hureyaal, waxayna qabaan amar ah in ay dilaan Ingriiska iyo askartiisa, qiimo kasta ha ugu kacdee ,iyagoo rumeysan haddii la dilo iyo haddii ay wax dilaan in ay galayaan Janno.
Duullimaadkii kowaad, iyo kii labaad oo billowday 1899kii, waxay dhammaadeen 6dii-Oktoobar 1902dii.
Goobahii Ingriisku iyo Sayidku ku dagaallameen waxaa ugu waaweynaa, Af-Bakeyle,iyo Fardhidin.
Ingriiskku, intii ay socdeen labadii duullimaad ee hore, waxaa u kordhay waayo aragnimo dheeraad ah, waxayna ogaadeen xoogga daraawiishta, oo ah mid aan si sahal ah loo loodin Karin.
Ciidammadii Ingriiska, oo ay ka mid ahaayeen kuwii la oran jiray- Kings Afrikan Rifles, waxaa ku soo kordhay kalsooni darro iyo baqdin ay ka qaadeen daraawiishta, oo aan cadowgooda u turin.
Haddaba,si loo qabanqaabiyo loona kiciyo duullaankii saddexaad, waxaa gobollada waqooyi ee soomaaliya yimid 23kii-Oktoobar 1903 Jeneraal W.H.Monning, isla markaana Dowladda Ingriisku waxay heshiis la gashay Talyaaniga, oo ay isku waafaqeen, in talyaanigu geesta bari ka soo weeraro Sayidka.
Sidaa darteed,laba markab oo kuwa dagaalka ah, oo Ingriiska iyo Talyaaniga kala leeyihiin ayaa xeebaha waqooyi iyo bari ku wareegsanayay si ay u sahmiyaan meel ay askartooda ka soo geliyaan sayidkana kala dagaallamaan.
16kii-Sebtempar 1903, wuxuu golaha wasiirrada ee dowladda Talyaaniga u ogollaaday in Ingriisku ciidammo uu leeyahay ka soo dejiyo magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Sidaa darteed,Ingriisku wuxuu go’aan ku gaaray in uu billabo duulimaadkii saddexaad, isagoo ciidammo xoog leh ka soo dejiyay magaalooyinka Berbera, iyo Hobyo, si uu dhinac walba uga hareereeyo Sayidka iyo ciidammadiisa daraawiishta.
dagaalkii ka dhacay Gunburo 1903kii, wuxuu Ingriisku u bixiyay Raqdii Gunburo, sababtoo ah, goobtaas waxaa ka raacay guuldarro culus, oo lama hilmaamaan ah.
3dii- Julay 1903kii, waxaa dhammaaday duullimaadkii saddexaad, oo intii uu socday dagaalkii sayidka iyo Ingriiska bari iyo waqooyiba ku dagaaleen, waxaa ingriiska ka soo gaartay jugweyn, waxaana ingriiska uga dhintay saraakiil fara badan oo ay ka mid ahaayeen:-
- G/sare, A.M.Ruthfor
- G/dhexe,AW.D.Francis
- Dhamme, ST.Albright
- Dhamme, J.John Stewart
- Dhamme,H.H Deb Morris
- Dhamme, J.A goyorn
- Dhamme,S.L. Mckinnon, oo dhammaan ahaa saraakiishii hoggaamineysay ciidammadii kala duwanaa ee Ingriiska ee dagaalka ka qeybgashay balse, naftooda ayey waayeen inay guul soo hooyaan iska daaye.
Guud ahaan, waxaa dagaalkaasi daraawiishtu dhegta dhiigga u dirtay 9 sarkaal, oo sarsare, oo ciidammada ingriiska hoggaaminayay iyo in ka badan 187 Askari, waxaa kaga dhaawacmay in ka badan 29 Askari, oo dhaawac xun soo gaaray.
Duulaankii Afaraad, oo ahaa mid ka xoog badan kuwii hore, oo ay ka qeyb galeen maraakiibta dagaalka, waxaa ingriisku go’aan ku gaaray in sayidka sidii dowlad xoog badan oo kale loola dagaallamo, waxaana loo xilsaaray Jenneraal Leyne fulinta duulimaadka afaraad, iyadoo ay la shaqeynayeen S/guuto Egertan iyo S/guuto Fasken.
Intii uu socday dagaalkaas waxaa sayidka gaarsiinayay Ingriiska khasaarooyinka fara badan iyo jab xoog leh, waxaana Ingriiska kaga dhintay saraakiil badan oo ay ka mid ahaayeen.
- Dhamme, J.R.William
- Dhamme, G.Estey
- Laba Xiddigle, T..H. Auder iyo kuwo kale oo badan.
Goobahii la isaga horyimaad intii duullaanka Afaraad socday, waxaa ka mid ahaa:-
- Beerdiga
- Cagaarweyne
- Daratoole
- Taar gooye iyo
1904tii, waxaa Sayidka iyo Ingriiska dhexmaray heshiis oo uu hindisihiisu lahaa wakiilkii talyaaniga ee Soomaaliya ee la oran jiray Pesta laze, waxuuna nuxurka qodobadu heshiisku ahaa:-
- In Sayidka la siiyo deegaan rasmi ah
- In Sayidka dowladnimo gudaha ah loo oggolaado
- In Sayidka xornimo iyo Madaxbannaani ganacsi la siiyo
- In gobolka Nugaal iyo Howd ay noqdaan dhul aan Sayidka laga faragelin.
5 Maarso 1905tii, ayaa Sayidka heshiiskaa hab ahaan u oggolaaday, isagoo doonayay in uu helo waqti uu isku dubarito ciidammadiisa, hubna raadsado iyo inuu ka soo kabto qasaaraha ka soo gaaray dagaalkii Jidbaale.
Heshiiskaasi markuu muddo yar dhaxalgal noqday, ayuu ingriisku billaabay inuu hubka baaro doonyihii Sayidka badeecadaha u siday.
Saydku wuxuu ingriiska u diray warqad uu ugu sheegayo in ay jebiyeen heshiiskii markii ay baareen doonyihiisu, wixii dhibaato ah ee ka dhashaa inay iyaga ka mas’uul ka noqon doonaan, wuxuun u sheegay in haddii la doonayo inuu sii socdo heshiiskii Pesti Lozze in la iisoo celiyo hubkii iyo sanaddii la iga dhacay.
Sayidku wuxuu si bareer ah ugu sheegay ingriiska mar haddii ay jebiyeen heshiiskii Pest Lozze, inuusan isaguna maanta ka dib dhowreynin, hadalkaasi oo Ingriiska u fasirtay in Sayidku doonayo in uu soo qaado dagaal hor leh.
Sidaa darteed,Ingriisku wuxuu isku dubaritay ciidan fara badan, oo Sayidka laga horgeeyo.
Dhinaca kale,1908kii, Baarlamaanka Ingriiska, wuxuu canaan kulul us oo jeediyay Dowladda, isagoo ku eedeeyay lacagta faraha badan ee uu ku biixiyay dagaalka lagu hoobtay iyo askarta faraha badan ee ku dhimanaya.
Sidaa darteed, 30 November 1908kii, Wasiirkii Isticmaarka ee Ingriiska, usoo diray warqad Taliyihii ciidammada ka joogay waqooyiga soomaaliya, taasoo uu u sheegayo in aan dowlad aan Ingriisku hadda ku tala jirin dagaal lagu qaado Sayid Maxamed C/dulle Xasan.
Ka dib, dowladda Ingriiska waxay isku dayday in ay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii Boqoraddii Hindiya ay kula dhaqantay, oo ah inay maal badan iyo mushaar joogto ah siiso, lana gudbiyo Baarlamaanka, si uu u ansixiyo.
03 Maarso 1910kii,John Tilon, oo ahaa Wasiirkii Isticmaarka, wuxuu Baarlamaanka Ingriiska ka soo jeediyay hindise leysku raacay, oo ah, in Sayidka la siiyo Sannadkiiba Lacag dhan 2000 (Laba Kun) oo Istarliin oo Lacagta Ingriiska ah.
Hase yeeshee, Sayidka gaashaanka ayuu ku dhuftay, oo waa uu diiday, wuxuuna u sheegay Ingriiska, in uu doonayo oo keliya Gobannimo dalkiisii helo, Gobannimo aan gor-gortan geli Karin.
Bishii Agosto 1913kii, waxaa dhacay dagaalkii Dulmadoobe, oo ahaa kii lagu dilay Taliyihii Ciidammada Ingriiska oo la oran jiray (Richard Korfield) oo Soomaalidu u taqiinnay (Koofi), ahaana ninkii Sayidku ku tiriyay Gabaygii caanka ahaa ee (Adaa Koofiloow Jiitoo dunnida joogeynee Adaa Jidkii laguu waday jimac lahayne), waxaa kaloo halkaasi ku geeriyoodayv Saraakiil badan oo Ingriis ah, oo uu ka mid ahaa Dhamme J.S.Summers.
Ingriiska, waxaa u muuqatay in dagaal bareer ah waxba sayidka lagaga qaadeyn haddii aan la beddelin tabaha hadda lagu socdo Sidaa darteed,
November 1918kii, waxaa gobollada waqooyi ee Soomaaliya yimid guddi madax ka yahay General Hopkins, oo loo xilsaaray inay darsaan xaaladda Daraawiishta talooyin dagaalna ka soo siiyaan dowladda ingriiska.
Oktoobar 1919kii, Baarlamaanka Ingriiska, wuxuu go’aan ku gaaray, inay Sayidka sidii dowdlad xoog leh oo kale markale ula dagaalamaan, ayna duullaanka ka qeybgalaan Ciidammada dhulka, Cirka iyo Badduba.
Ciidammada Ingriiska ee Berrigu, waxba waa ka tari waayeen Sayidka, waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo Qalcadihii kale ee daraawiishta, maadaama Sayidku caan ku ahaa tabaha iyo taatikada dagaalka dhulka.
21 Jannaayo 1920kii, waxaa Ingriisku Sayidka ku soo kiciyay dayuurado dagaal, ka dib markii uu ku guuldareystay dagaalkii ciidankii dhulka, waxaa la duqeeyay xaruntii Sayidka ee Taleex, Jiidahii iyo xarumahii kale ee Sayidka, isagoo isticmaalayay Dayuuradaha Noocoodu yahay DHg.
Sidaa darteed, Daraawiishtu oo ahaa urur gobannimon, waxay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee dayuurado lagula dagaallamo Taariikhda Afrika iyo Caalamkaba.
Ka dib, Sayidka iyo Ciidankiisu waxay soo aadeen, dhinaca Koonfur.
25 April 1920kii, 16 casho oo socdaal ah ku soo gaareen Magaalada Qorraxeey oo xaruntii sayidka u jirtay 40 mile.
Sayidku, ergo kala duwan oo Ingriisku soo diray wuu diiday, taasoo ahayd in uu isdhiibo, hubkana dhigo, si loo nabadgeliyo, ergadaan oo isugu jirtay, Mashaa’iikh iyo Caaqillada beelaha deggan gobollada waqooyi ee soomaaliya, iyagoo waday warqad Ingriisku u soo dhiibay.
23kii Nov-1920kii, ayuu Sayidku ku geeriyooday Degmada Iimeey, isagoo marnaba ka samrin halgankiisii gobannimodoon ee uu soo waday 21-Sano.
W/D: Dr Maxamed Isxaaq Mursal