Sunday, December 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taariikhda Maareeyaha cusub ee Hay’adda Duulista Rayidka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Taariikhda Maareeyaha cusub ee Hay’adda Duulista Rayidka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Axmed Macalin Xasan oo uu maanta u magacaabay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu noqdo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka wuxuu waxbarashadiisa ku qaatay magaalada Muqdisho, isaga oo kamid ahaa ardaydii ka aflaxday Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali.

Mudane Axmed Macalin sidoo kale wuxuu kamid ahaa Dufcaddii ka qalin jabisay Machadka Duulista Rayidka ee Soomaaliya sanadkii 1990.

Related posts

Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Oo Maanta Lagu Dhawaaqi Doono

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Ee Gobolka Banaadir

December 28, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

December 28, 2025

Maareeyaha cusub wuxuu sanadkii 1999 sidoo kale shahaado ka qaatay Dugsiga Duulista Hawada ee Bariga Afrika.

Sanadkii 2011 ayuu Shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master Degree) ee Maamulka Duulista Hawada ku sameeyay London Metropolitan University.

Axmed Macalin Xasan wuxuu ka shaqeeyay Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta, Garoonka Caalamiga ee Kotoka ee magaalada Accra, Ghana iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan, wuxuuna leeyahay khibrad 31 sano ah oo la xiriirta Duulista Rayidka oo 14 sano oo kamid ah uu la shaqeeyay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO.

Previous Post

Aadan Barre Ducaale oo laga qaaday hoggaanka aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Xera Dhagaxleey oo hoostaga degmada Hobyo.

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Xera Dhagaxleey oo hoostaga degmada Hobyo.

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Xera Dhagaxleey oo hoostaga degmada Hobyo.

Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Oo Maanta Lagu Dhawaaqi Doono

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Ee Gobolka Banaadir

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay warbixinta natiijada doorashadii golayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir....

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo la hadlay Telefishinka Al-Jasiira ayaa sheegay in Israa'iil ay doonayso...

Dowladda Suuriya Oo Si Kulul U Cambaaraysay Israa’iill

Dowladda Suuriya Oo Si Kulul U Cambaaraysay Israa’iill

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya ayaa si kulul u cambaareysay kuna gacan sayrtay aqoonsiga dhex maray Israa’iil iyo Somaliland,...

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, Midowga Jasiiradaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In