Friday, August 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taariikhda Maareeyaha cusub ee Hay’adda Duulista Rayidka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Taariikhda Maareeyaha cusub ee Hay’adda Duulista Rayidka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Axmed Macalin Xasan oo uu maanta u magacaabay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu noqdo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka wuxuu waxbarashadiisa ku qaatay magaalada Muqdisho, isaga oo kamid ahaa ardaydii ka aflaxday Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali.

Mudane Axmed Macalin sidoo kale wuxuu kamid ahaa Dufcaddii ka qalin jabisay Machadka Duulista Rayidka ee Soomaaliya sanadkii 1990.

Related posts

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026

Maareeyaha cusub wuxuu sanadkii 1999 sidoo kale shahaado ka qaatay Dugsiga Duulista Hawada ee Bariga Afrika.

Sanadkii 2011 ayuu Shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master Degree) ee Maamulka Duulista Hawada ku sameeyay London Metropolitan University.

Axmed Macalin Xasan wuxuu ka shaqeeyay Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta, Garoonka Caalamiga ee Kotoka ee magaalada Accra, Ghana iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan, wuxuuna leeyahay khibrad 31 sano ah oo la xiriirta Duulista Rayidka oo 14 sano oo kamid ah uu la shaqeeyay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO.

Previous Post

Aadan Barre Ducaale oo laga qaaday hoggaanka aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Xera Dhagaxleey oo hoostaga degmada Hobyo.

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Xera Dhagaxleey oo hoostaga degmada Hobyo.

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Xera Dhagaxleey oo hoostaga degmada Hobyo.

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane...

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026
0

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

August 20, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Hamza Haadoow, ayaa maanta kormeer ku...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In