Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar ku saabsan doorka gabdhaha ee Maamulka Warbaahinta oo ka furmay Jowhar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Tababar ku saabsan doorka gabdhaha ee Maamulka Warbaahinta oo ka furmay Jowhar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle, isla markaana ay ka faa’iideysanayaan 30 gabdhood ayaa waxaa muddada seddexda maalmood ah ee oo uu socon-doono, diiradda lagu saarayaa, kor u qaadidda doorka dumarka ku jira saxaafadda ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle Mudane Yaasiin Xaaji oo soo dhoweeyay ka qeyb galayaasha iyo Macalimiinta ayaa hoosta ka xariiqay in tababarkani muhiim u yahay kor qaadista kaalinta gabdhaha saxaafadda ku jira.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Cabdiraxmaan Maxamed Aadam ( Koronto) Lataliyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa tilmaamay ahmiyadda tababarkan uu yahay qibrad wadaag iyo muujinta kaalinta wanaagsan ee gabdhaha suxufiyiinta ah ka qaadan karaan horumarinta maamulka Warbaahinta.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdishakuur Cabdullaahi Axmed oo furay tababarka, ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka, waxa uuna xusay in ay iska kaashadeen qabashada tababarkan si loo xoojiyo kaalinta gabadha Saxafiyiinta ah ee maamulka hay’adaha Warbaahinta, waxaana uu ka qeyb galayaasha kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababarka una gudbiyaan gabdhaha ay bah wadaagta yihiin si kor loogu qaado doorka haweenka ee Warbaahinta.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Fanaan Qaran Marxuum Axmed Naaji

Next Post

Ruushka oo sheegay inay soo rideen diyaaradaha aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine

Next Post
Ruushka oo sheegay inay soo rideen diyaaradaha aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine

Ruushka oo sheegay inay soo rideen diyaaradaha aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In