Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar ku saabsan ka hortagga tacayadiyada Haweenka iyo carruurta oo lagu soo gabo gabeeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Tababar ku saabsan ka hortagga tacayadiyada Haweenka iyo carruurta oo lagu soo gabo gabeeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda GECPD oo kaashanaysa Wasaaradaha Haweenka, Caddaaladda, Arrimaha Gudaha iyo Gargaarka Galmudug ayaa maanta soo xirtay tababar saddax maalmood u socday laamaha Booliska iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, Wuxuuna ku saabsanaa tababarkani qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo tacadiyada loo gaysto haweenka iyo carruurta iyo sida ay u heli lahaayeen xaquuqdooda.

Intii uu socday kulankan waxaa lagu falanqeeyay sida boolisku uga hortagi lahaayeen dhibaatada lagu sameeyo dadka barimageedada ah sida haweenka iyo caruurta, sidoo kalena waxaa looga dooday noocyada tacadi ee ka jira Galmudug iyo dadka ugu badan ee loo gaysto.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Xaliimo Axmed Kaariye oo ka mid ah dadka  tababarkan ka faa’iideystay ayaa ka warantay sida tababarkan ay uga faa’iideysteen.

Safiyo Siigaale oo ka socotay Hay’adda bixisay dhaqaalihii ku baxay barnamijkaan ee GECPD ayaa uga mahadceliyay Wasaaraddaha kala duwan siday uga wada shaqeeyaan hoos u dhigida tacadiyadda, waxaana ay balan-qaaday inay sii balaarin doonaan kulamada noocaan oo kale ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Dhuusamareeb Cabdi Xaashi iyo Cumar Xasan Xaaji Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka Galmudug ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo laamaha amniga si ay uga hortagaan Tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha gudaha Galmudug Axmed Cismaan Aaden iyo Wasiir Dowlaha Caddaaladda Cali Cabdullaahi Galawax ayaa ugu dambeyn la dardaarmey xubnahan loo tababarey ka hortagidda tacadiyada ku dhaca haweenka iyo carruurta.

Previous Post

Magacyada guuleystiyaasha doorashada Aqalka Sare ee Kismaayo ka dhacday

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Hambalyo u diray Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Jubbaland laga soo doortay

Next Post
Magacyada guuleystiyaasha doorashada Aqalka Sare ee Kismaayo ka dhacday

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Hambalyo u diray Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Jubbaland laga soo doortay

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In