Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar loo qabtay 200 oo macaliminta dugsiyada Qur’aanka ah (Sawirro+Video)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababar loo qabtay in ka badan 200 oo macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka kariimka ah oo ka kala yimid gobollada dalka iyo qaar ka mid ah wadamada deriska ah ayaa lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo socday muddo Sadex maalmood ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay Mu’asasada Ansaarul Qur’aan Kariim ee Soomaaliya, waxaana lagu baranayay sidii loo horumarin lahaa barashada Qur’aanka Kariimka iyo culuunta Diinta Islaamka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Munaasabadii lagu soo gunaanadayay tababarka oo ka dhacday xarunta Sheekh Cismaan Xidig ee degmada Kaaraan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, culumaa’udiin iyo marti sharaf kale.

Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku caan baxay fidinta diinta Islaamka oo mu’asasadiisu bixineysay tababarka ayaa si qota dheer uga hadlay baahida loo qabo horumarinta habka barashada iyo fidinta diinta Islaamka, wuxuuna kula dar daarmay xubnihii loo qabtay tababarka iney bulshada gaarsiiyaan aqoontii ay ka faa’iideen tababarka.

Ku simaha wasiir ku xigeenka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Yuusuf Xeyle Jimcaale oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in wasaaraddu dhiirigelineyso tababarrada noocan oo kale ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leeyihiin tababarrada noocan oo kale.

War-murtiyeed laga soo saaray kulanka oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay Sheekh Xasan Abuukar Maalin.

vlcsnap-2014-12-27-18h49m23s209 vlcsnap-2014-12-27-18h49m40s128 vlcsnap-2014-12-27-18h49m55s33 vlcsnap-2014-12-27-18h50m06s124 vlcsnap-2014-12-27-18h50m15s231 vlcsnap-2014-12-27-18h50m24s68 vlcsnap-2014-12-27-18h50m35s181 vlcsnap-2014-12-27-18h50m54s61 vlcsnap-2014-12-27-18h51m06s237 vlcsnap-2014-12-27-18h51m13s57 vlcsnap-2014-12-27-18h51m30s222 vlcsnap-2014-12-27-18h51m48s147 vlcsnap-2014-12-27-18h51m57s238 vlcsnap-2014-12-27-18h52m07s84 vlcsnap-2014-12-27-18h52m20s150

Previous Post

Shilal Gawaari oo khasaare nafeed geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In