Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wareejiyay deeq loogu talagalay in lagu afuray maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar.
Kaalmadan oo isugu jirtay raashiin, xoolo nool iyo dhar loogu deeqay maxaabiista ayaa taliska ciidanka Asluubta waxaa ku wareejiyay hay’adda Horumuud Foundartion.
Generaal Cilmi Waasuge oo ah ku simaha taliyaha ciidanka Asluubta Soomalaiyeed ayaa uga mahadceliyaya hay’addaasi gargaarka ay soo gaarsiisay maxaabiista.
“Waxaan u mahadcelineynaa hay’adda deegdan soo gaarsiisay xabsiga dhexe ee Xamar, waxaan rajeynayaa in ay wax ka qaban doonto deeqdan baahida maxaabiista” Sidaasi waxaa yiri Jeneraal Waasuge
Inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan iyo waqtiyada munaasabadaha ciidaha ayaa inta badan bulshada Soomalaiyeed waxay gurmada u sameeyen dadka danyerta ah oo ay ku jiraan maxaabiista.