Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa dhalinyaradan waxyaabaha maanka dooriya isticmaalayay oo gaaraya 25 ka aruuriyey Isgoyska Celgaabta iyo Suuqa Xamar wayne, si daryeel iyo xanaano loogu sameeyo bulshadana looga badbaadiyo dhibka ay gaarsiin karaan.
Dhaqan celinta iyo daryeelka Carruurta aan cidna ku tiirsanayn waa mid ka mid ah waajibaadka uu u xilsaaranyahay Taliska Asluubta Soomaaliyeed.
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda daryeel iyo waxbarasho siiya ku dhawaad 500 oo Carruur ah oo ku jira xarumo kale duwan oo dalka ah.