Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo u diyaar garoobaya Xuska Maalintii la aas-aasay (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 16, 2017
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo u diyaar garoobaya Xuska Maalintii la aas-aasay (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maalmahan Diyaar garowgii ugu dambeeyey ugu jira qabashada Xuska Maalintii la aas-aasay Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22 Febraury 1970, waxayna sanadkaan u dabaal dagayaan Sanad guuradoodii 47 aad.

Guuto ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maray xarunta lagu qabanayo Munaasabadda,iyagoo siiyey Salaan sharaf  Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud  Bashiir Maxamed Jaamac, oo ay wehliyeen Taliye ku xiggeenadda, iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, munaasabad kooban ayaana gabagabadii la sameeyey oo ay ka soo qeyb galeen Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir, Taliyahii hore ee Ciidanka Xoogga Sarreeye gaas Daahir aadan Cilmi indha-qarshe Xildhibaano iyo wasiiro Dowladda ka tirsan,iyadoona halkaasi  heeso iyo riwaayaddo wadani ah ay kusoo bandhigeen Hoboladda Faananiinta Onkod ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud  Bashiir Maxamed Jaamac, oo la hadlay Ciidanka loo diyaariyey in ay marraan Fagaaraha Munaasabadda lagu qabanayo ayaa kula dardaarmay in ay saxaan qaladaadka yar ee loo sheegay, isagoo xusay in loo baahan yahay dulqaad,lana muujiyo farxad,maadaama loo diyaar garoobayo Xuska Maalintii uu dhashay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

 

DSCF8370 DSCF8371 DSCF8378 DSCF8375 DSCF8379 DSCF8382 DSCF8400 DSCF8405 DSCF8414 DSCF8417

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la wareegaya Xilka madaxtinimo ee dalka.

Next Post
Sawiro:Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh mar kale Villa Soomaaliya ku kulmay.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la wareegaya Xilka madaxtinimo ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In