Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin adag u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin adag u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Cornel Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa digniin adag u diray dadka la shaqeeya ama u hoggaansama amarrada kooxda Khawaarijta ee ku sugan deegaannada xorta ah ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin cid kasta oo si toos ah ama si dadban ula shaqeysa kooxda Khawaarijta, isagoo xusay in bixinta xog, qaadashada amarro, ama fududeynta dhaqdhaqaaqyadooda ay tahay fal ka dhan ah amniga shacabka iyo dowladda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Cornel Cali Cagey wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool gobolka Hiiraan inay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, kana fogaadaan wax kasta oo taageero u noqon kara Khawaarijta. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo kooxda, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono qof kasta oo lagu helo inuu la shaqeynayo ama fulinayo awaamiirtooda.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa shacabka ku boorriyay inay kaalin firfircoon ka qaataan sugidda amniga, iyagoo la wadaagaya ciidamada xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta, si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka Hiiraan.

Previous Post

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

Next Post

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida marxuum Xasan Bile

Next Post
Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida marxuum Xasan Bile

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida marxuum Xasan Bile

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In