Wednesday, July 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Asluubta oo isbadal muuqdo ka sameeyay xabsiyada dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 19, 2016
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Asluubta oo isbadal muuqdo ka sameeyay xabsiyada dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa ay ka mid yihiin Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana la Aas-aasay 22kii Febraayo 1970 kii Taliyihii ugu horeeyey ee Ciidankaasina waxa uu ahaa AUN S/gaas Ismaaciil Axmed Ismaaciil waana Ciidan u tababaran Ilaalinta Maxaabiista iyo in ay baraan Anshaxa dadka xabsiga lagu soo xiro.

Burburkii Dowladii dhexe ee Dalka kaddib waxa ay soo mareen Ciidanka Asluubta marxalado kala duwan iyo xilliyo Adag, iyadoo shaqooyinkii ay u  hayeen Qaranka habacsanaan uu ku yimid sababo la xiriiri Daruufo soo wajahay dalka.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚qada XFS 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 m𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 lagu horumarinayo q𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬 d𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐡

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚qada XFS 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 m𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 lagu horumarinayo q𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬 d𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐡

July 23, 2025
Wasaaradda Sportiga oo tababar u furtay garsoorayaal dumar ah

Wasaaradda Sportiga oo tababar u furtay garsoorayaal dumar ah

July 23, 2025

Taliyayaal badan ayaa soo maray ciidanka Asluubta sanadihii lagu jiray Bur burka  dadaalkoodana, ma yareen balse caqabado  dalkoo dhan ka jiray ayaa u saamixi weysay in Ciidankaasi cududiisa ay dib u soo celiyaan  .

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda dib usoo celinaya in ay buuxiyaan Kaalintii ay kaga jireen  Ciidamada qalabka sida, waxaana  iminka ay ku talaabsanayaan Horumaro kala duwan,  iyadoo ay dib usoo laabaneyso Faa’iidooyinkii kala duwanaa ee Ummadda Soomnaaliyeed u qaban jireen .

Maalin Khamiis 30 April 2015 ayey aheyd markii golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Soomaaliya  ay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u magaacabeen S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe ), ayna ku soo baxday faafinta rasmiga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana markii uu Xilka la wareegay Gen Bashiir uu bilaabay Dadaal iyo Shaqo badan  uu ku doonayey in Ciidankaasi uu Dib usoo nooleeyo  Geed dheer iyo mid gaaban ayuuna u koray sidii  Cududii Ciidanka Asluubta uu dib ugu soo celin lahaa .

S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa is badal weyn ku sameeyey qaabkii uu u shaqeynayey Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ka jireen Dhibaatooyin dhanka Nolosha ah  waxaana Xabsiga uu ka dhigay Goob  Maxaabiista lagu dhaqan celiyo waxna lagu baro isagoo Xabsiga gudihiisa ka hirgaliyey in Maxaabiista ay ku seexdaan sariiro  iyo in uu  qol kasta oo ka mid ah Xabisga dhexe uu galiyey Telafashino ay Maxaabiista kala socdaan Ciyaaraha iyo Wararka Caalamka  iyadoo intaas ay sii dheer tahay in la baro Farsamada gacanta .

Sidaasi oo kale Xabisga dhexe ee magaalada Baydhabo ayaa isna dhawaan la geeyey Sariiro iyo Telafashino,  waxaana Qorshaha Taliska Ciidanka Asluubta uu yahay in dhamaan Xabsiyada Dalka ku yaala isbadal horumarineed laga sameeyo sida uu Taliyaha Ciidanka Asluubta inoo sheegay .

Gen Bashiir iyo ku xigeenadiisa ayaa ku guuleystay  iyagoo kaashanaya Hay’ado Caalami ah  in Magaaladda Muqdisho laga dhiso Xabsi weyn  oo wax kasta oo Nolosha aadmiga ay u Baahan tahay laga helayo Gunaanad ayuuna maraya Dhismaha Xabsigaasi .

Sidoo kale Taliska Ciidanka Asluubta ayaa Qorsheynaya in Guud ahaan Xabsiyadii Dalka uu lahaa dib u dhis lagu sameeyo  waxaana sidaas oo kale Talisku uu qorsheynayaa in Warshadihii Ciidanka uu lahaa dib loo howlgaliyo iyadoo  ay shaqeyneyso Warshad uu Ciidanka leeyahay oo hadda soo saarta Qalab Xafiiseedka IWM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray maalintii koowaad ee ciidda xabsiga dhexe ee Xamar ayaa bogaadiyay isbadalka uu sameeyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac.

Dhammaan Debleyda ,Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa si aad ah ula dhacsan Isbadalka Horumarineed ee iminka ka hana qaaday Xabsiyada Dalka iyo Xarumaha Ciidanka Asluubta uu leeyahay waxaana hadal heynta ugu badan ee Ummadda Soomaaliyeed  isla dhex marayaan ay tahay in weli dalka lagu arkin Xabsiga dhexe Qololka uu ka kooban yahay in lagu xiray Telafashino Maxaabiista daawadaan, iyadoo arrintan ay noqotay mid soo jiidatay  Indhaha Caalamka.

xasanxabsigadhexe4 xasanxabsigadhexe1 received_1722977427977600 IB0A7012 FB_IMG_1465755031519 FB_IMG_1463690508329 bashiir-goobe-xabsi-cunto-4 13556062_1734677453474264_307281132_o 13517987_1734678156807527_1044956785_o 5-20  

WD/:- C/raxmaan Gacan

Previous Post

Wafdi Ka Socday SAF oo kormeeray MCHka iyo Iskuulka Garas Bintow ee Degmada Balcad “SAWIRRO”

Next Post

Mo Farah oo la siin doono darajada ay bixiso boqoradda UK ee Knighhood

Next Post
Mo Farah oo la siin doono darajada ay bixiso boqoradda UK ee Knighhood

Mo Farah oo la siin doono darajada ay bixiso boqoradda UK ee Knighhood

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚qada XFS 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 m𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 lagu horumarinayo q𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬 d𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐡

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚qada XFS 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 m𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 lagu horumarinayo q𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬 d𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐡

July 23, 2025
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada...

Wasaaradda Sportiga oo tababar u furtay garsoorayaal dumar ah

Wasaaradda Sportiga oo tababar u furtay garsoorayaal dumar ah

July 23, 2025
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Susow Mohamud ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay Tababar aqoon...

Wasiirka Amniga Guddaha oo warbixin ka dhageystay saraakiish Booliska K/Galbeed.

Wasiirka Amniga Guddaha oo warbixin ka dhageystay saraakiish Booliska K/Galbeed.

July 22, 2025
0

Wasiirka Amniga Guddaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka dhageystay Saraakiisha Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

July 22, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa qaabilay ganacsato isugu jirta Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In