Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatey Taliyaasha qeybaha

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatey Taliyaasha qeybaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha, Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Fadhiyada Madaxa Bannaan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, shirkaas oo looga hadlayey adkaynta amniga guud ee Dalka iyo si gaar ah amniga caasimadda Muqdisho.

Taliyaha, ayaa Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay Khawaarijta Arxanlaaweyaasha ahi u soo maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

Sidoo kale Talayiha Ciidanka Booliska,ayaa amray ciidamadda inay labo jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Sareeya Guuto General Sulub Axmed Firin ayaa Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir kulan kula qaatay Taliyaasha Qeybaha iyo Kuwa Saldhigyada ee Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo looga hadlayey adkaynta Ammniga guud ee dalka gaar ah Amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin waxa uu warbixin ka siiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Gen Sulub howlaha Shaqo ee Taliska Qeybta Guud.

Taliye Mahdi, ayaana xusay in lasii labo jibaaray Howlgalada ka dhanka ah kuwa Argagaxisada ah ee isku daya in ay qalqal-galiyeen Ammniga Bulshada Caasimada iyo Kuwa kale ee iskuugu jira Burcada hubaysan iyo Ciyaal-weerada intaba.

Taliyaha Ciidanka Booliska General Sulub Axmed Firin ayaana ugu danbeen Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir uga Mahadceliyay shaqada baxda leh ay u hayaan Bulshada Soomaliyeed, isaga oona Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay Khawaarijta, sidookalana la labo jibbaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho.

Previous Post

Somali parliament votes to donate 20% of their salary to victims in Turkey

Next Post

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika

Next Post
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In