Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ay wehliyaan saraakiil ciidan oo uu ka midyahay Taliyaha qeybta 21aad Jeneraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa kormeer ku tegay xarun lagu tababarayo ciidan ka tirsan xoogga dalka.
Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la socotay ayaa kormeer ku sameeyay xarunta, kaasi oo ay ugu kuurgalayaan xaaladda goobta lagu tababarayo ciidanka, waxaana uu tilmaamay in ahmiyadda koowaad ay tahay xaqiijinta Nabadgelyada, loona baahanyahay difaacidda dalkooda iyo ka shaqeynta midnimada.
“Alle ayaa mahad iska leh, waxaan uga mahadcelinayaa dhallinyaradii halkan nagu soo dhaweysay, ujeedka socdaalkeenu waa inaan kormeerno xarumaha ay ku suganyihiin ciidanka xoogga dalka qeybta 21aad, waxaan dhallinyarada ku dhiiri gelinayaa inay noqdaan hormuudka dalka, wadanka waxa uu u baahanyahay dhallinyaro aqoon leh sidiina oo kale”ayuu yiri Taliye Cabdixamiid Maxamed Dirir.
Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ay wehliyaan saraakiil ciidan oo uu ka midyahay Taliyaha qeybta 21aad Jeneraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa dhawaan ku guuleystay inay xaliyaan dagaal beeleed ka dhacay bariga Gobolka Mudug, waxaana haatan ay qorsheynayaan inay kormeeraan xarumaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka, si uu u ogaado xaaladda dhabta ah ee ay ku shaqeynayaan ciidanka xoogga dalka.