Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliyeed, Janaraal; Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ay si weyn uga baaraan degeen ka Ciidan ahaan xeeladaha gaadmada ah ee ay khawaarijtu adeegsadaan.
Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay ineysan mar dambana dhacayn in ay soo hajuumaan khawaarijta xarumaha ciidanka ama ay haweystaan.
General Biixi” Waxaan go’aan ka gaarnay weeraradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada,haday wax isku hayaan ha soo weeraraan hadda”.
Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliyeed, Gen; Maxamed Tahliil Biixi ayaa sidoo kale sheegay in khawaarijtu ay dhexdooda iska shakiyeen qilaaf weyna uu soo kala dhex galay, taas oo keentay in ay koox-koox isugu dhiibaan beelihii ay kasoo kala jeedeen hubkana ay ku wareejiyaan si ay u qariyaan.