Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo kulan degdeg ah ka yeeshay amniga dalka

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo kulan degdeg ah ka yeeshay amniga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan degdeg ah isugu yeeray Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, wuxuuna faray in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga dalka iyo qaraxyadii argagixisanimo ee dhacay maalintii Jimcaha.

Taliyeyaasha Ciidamada ayaa dhankooda kulan gaar ah oo ay ku yeesheen xarunta Taliska Ciidanka Booliiska waxa ay uga hadleen isla xisaabtanka gaabka amniga, adkeynta baraha lagu baaro gaadiidka iyo muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo ka warbixiyey shirka degdegga ah ee Talisyada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in ay ka soo baxeen qodobbo adag oo ka dhan ah gudasha la’aanta masuuliyaadda amni ee askarta iyo saraakiisha.

“Maanta waxa uu Madaxweynuhu isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, ma qaadan doonno mar dambe mana yeeleyno in baabuur dad hubeysan ay saaran yihiin bartii-koontarool oo uu soo dhaafo ayaa qaadaneysa mas’uuliyaddeeda, dhibkii dhaca cid unbaa mas’uuliyaddeeda iska leh waxaan ka bilaabeynaa ciidamada booliska ee taagan baraha-koontarool, baaristiina waa socotaa”

Taliyeyaasha ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku saabsan qaraxyadii argagixiso ee dhacay Jimcadii, isla markaasna sharciga la horkeeni doono cid kasta oo ka gaabisay in ay ka hortagaan falkaas arxan darrada ah ee lagu gumaaday shacabka.

Hoggaannada Ciidanka Qalabka Sida ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan ka hortagga falalka gurrucan ee Cadawgu ay maleegayaan, waajibna ay tahay in laamaha ammaanka ay la wadaagaan xog kasta oo badbaadin karta naf qof aan waxba galabsan.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray xarunta Akadamiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta

Next Post

Kenya Airways oo duulimaad maalinle ah ka bilaabeysa Muqdisho

Next Post
Kenya Airways oo duulimaad maalinle ah ka bilaabeysa Muqdisho

Kenya Airways oo duulimaad maalinle ah ka bilaabeysa Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In