War kasoo baxay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba shaqadii laga joojiyay Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe Cabdi Qani Maxamed Qalaf oo ah afhayeenka Ciidanka Asluubta.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in guddi loo saaray baaritaan ku sameeya eedaha loo jeedinayo Jeneraal Xirsiile.