Saturday, January 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha degmada Boosaaso oo u soo gudbay wareegga labaad “SAWIRRO+DHAGEYSO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha degmada Boosaaso oo u soo gudbay wareegga labaad “SAWIRRO+DHAGEYSO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Dharkeynleey Vs Boosaaso oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bari, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Dharkeynleey iyo Boosaaso iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin labada degmo.

Related posts

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Dharkeynleey iyo Boosaaso waxey noqotay sidan:-

Dharkeynleey

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen Afar, waxa ay si ka faa’iideysi ah u haleen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayasha Boosaaso, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Dharkeynleey ay heleen noqoneysaa 8 dhibcood (Sideed dhibcood).

Boosaaso

Tartamayaasha Degmada Boosaaso waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal,  halka ay iska qaldeen Saddex u’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Dharkeynleey, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Boosaaso ka dhigeysaa inay heleen 12 dhibcood (Labo iyo toban dhibcood).

Hadaba kulankii 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Boosaaso ee gobolka Bari, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,

Habeen dambe oo ah habeenka 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Shangaani iyo Hodan oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Halkan ka dhageyso tartanka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-Koowaad-ee-Tartanka-16.06.2016.mp3 http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-Labaad-ee-tartanka-16.06.2016.mp3

DSC05360 DSC05361 DSC05363 DSC05367DSC05373 DSC05374 DSC05375 DSC05379 DSC05380 DSC05384 DSC05387 DSC05396 DSC05400 DSC05402 DSC05406 DSC05408 DSC05411 DSC05412 DSC05416 DSC05417 DSC05419 DSC05421

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Daawo Sawirada Magaalada baydhabo oo looga Dabaal Dagay maalinta Caruurta Qaarada Afrika

Next Post

Magacyada Xubnaha Gudiga Saxaafadda oo ay Ansixiyeen Golaha Wasiirada

Next Post
Magacyada Xubnaha Gudiga Saxaafadda oo ay Ansixiyeen Golaha Wasiirada

Magacyada Xubnaha Gudiga Saxaafadda oo ay Ansixiyeen Golaha Wasiirada

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo deegaanka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey kooxda Khawaarijta ah, kadib markii ay isku dayeen inay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026   1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026

January 2, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026   1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u...

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

January 2, 2026
0

Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Qurbo joogta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In