Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka C/casiis iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee C/casiis iyo Deyniile ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
C/casiis
Tartameyaasha Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Deyniile, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada C/Casiis ay heleen waxay noqotay Lix (6) dhibcood.
Deyniile
Tartamayaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay C/Casiis, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Deyniile waxay noqotay labo iyo toban (12) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka kadib markii ay tartanka ka reebeen dhigooda C/casiis, waxaana labada dhinac ay isugu hambalyeeyeen guusha iyo aqoonta ay ku tartameen.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 5-aad ee tartanka, waxaana ku tartami doona degmooyinka Shangaani iyo Heliwaa oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.