Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 20-aad ee wareegga 2aad ku tartamay degmooyinka Dhahar iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Baay, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar iyo Buur-hakaba  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026

Dhahar

Tartameyaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal,  Waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Buur-hakaba.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Buur-hakaba

Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,   sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buur-hakaba waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 20-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir Qaade:- Sakariye Shiddo

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka

Next Post

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

July 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo...

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

July 9, 2026
0

Safiirka Aan Deggenayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Brazil Mudane Dr. Omar Dufle, ayaa maanta Madaxweynaha Brazil,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In