Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 years ago
in Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Kaxda oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Deyniile iyo Kaxda oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Deyniile iyo Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Deyniile

Tartameyaasha Degmada Deyniile Garbahaareey ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Kaxda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal. waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Deyniile, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 4-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 5-aad ee tartanka, waxaa jiri doono labo tartan, waxaana kulanka hore ku baratami doona degmooyinka Gaalkacyo iyo Dhoobley oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Jubbada Hoose, halka kulanka labaad ay ku tartami doonaan Buuhoodle iyo Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Banaadir.

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo agab Caafimaad kala wareegtay Safaaradda Shiinaha

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo saxiixay deyn laga cafinaayo Soomaaliya oo dhan 1.2 Bilyan

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo saxiixay deyn laga cafinaayo Soomaaliya oo dhan 1.2 Bilyan

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo saxiixay deyn laga cafinaayo Soomaaliya oo dhan 1.2 Bilyan

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In