Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii shanaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Boondheere Vs Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Boondheere VS Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag.
Boondheere
Tartamayaasha Degmada Boondheere ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay Warta Nabadda, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boondheere waxay noqotay Lix (8) dhibcood.
Warta Nabadda
Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Boondheere, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabbada ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka lixaad ee tartanka, waxaa ku foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka X/weyne Vs C/casiis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.