Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 1-aad ku tartamay Degmooyinka Warta Nabadda Vs Xamar Jajab oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taabagelineya Bangiga IBS.

Cabdullaahi Muxudiin Codka oo ka mid ah daadihiyeyaasha Tartanka ayaa ugu horeyn sharaxaad kooban ka bixiyay sharuudaha looga baahanyahay tartamayaasha ka qeybgalaya tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, ayna ilaaliyaan sharuucda tartanka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Warta Nabadda Vs Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Warta Nabadda

Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay Afar (4) dhibcood, waxaana tartamayaasha Degmada Warta nabadda ay ahayd tartamayaashii sanadki tegay galay kaalinta 3aad ee tartanka, kuwaasi oo caawa ku haray wareegga 1aad.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay Warta Nabadda, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudubtay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 2-aad ee tartanka, waxaa foodda is dari doona degmooyinka Kismaayo  oo ah guuleystayaasha sanadkii tegay ee tartanka iyo Shibis oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada daraawiishta Galmudug oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad iyo gaari ay qaraxyo ka soo buuxiyeen

Next Post

Ciidamada daraawiishta Galmudug oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad iyo gaari ay qaraxyo ka soo buuxiyeen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In