Sunday, March 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 18-aad ee Wareegga 2-aad ku tartamay Degmooyinka Deyniile iyo Daarusalaam oo ka wada tirsan Gobalka Benaadir. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Deyniile iyo Daarusalaam ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka qalabka sida oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Daynuuney

March 29, 2026

Deyniile

Tartameyaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Deyniile waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Daarusalaam

Tartamayaasha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Benaaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal , halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Daarusalaam waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Sida sharciga tartanku qabo marka ay labo degmo isku dhibco noqdaan waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si hal degmo ay ugu gudubto wareegga xiga ee tartanka.

Tartanka oo ahaa mid aad u adag ayaa ugu dambeyn waxa ay ku dhamaatay oo ay guusha ku raacday tartamayaasha Deyniile kaddib markii ay la yimaadeen 16 dhibcood, halka Tartamayaasha Daarusalaam ay la timid 12 dhibcood.

Hadaba kulankii 18-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi, maadaama ujeedka tartanka uu yahay in lagu tartamo cilmi iyo Aqoon.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 18-aad ee tartanka, waxaa ku loolami doona Degmooyinka Gubadley iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag.

Sawir  qaade:- Ciise Mukhtaar

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

Next Post

Gobolka Banaadir oo isu xilqaamay afurinta dadka barakacayaasha ah ee Muqdisho

Next Post
Gobolka Banaadir oo isu xilqaamay afurinta dadka barakacayaasha ah ee Muqdisho

Gobolka Banaadir oo isu xilqaamay afurinta dadka barakacayaasha ah ee Muqdisho

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka qalabka sida oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Daynuuney

March 29, 2026
0

Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, oo ku guda jira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayaa maanta oo ay taariikhdu...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay, ee Gobolka Baay, kadib...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In