Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareega afarta (Semi final)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareega afarta (Semi final)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa caawa wareegiiisa saddexaad tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Warta Nabadda Vs Kaxda oo ka wada Gobolka Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa tartamayaasha labada degmo waxa ay muujiyeen tartan wanaag oo ku dhisan aqlaaq iyo aqoon.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Natiijada tartankii dhexmaray xalay tartamayaasha degmooyinka Warta Nabadda iyo Kaxda waxey noqotay sidan:-

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Labo su’aal oo waxa ay iska qaldeen Shan, Waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Kaxda, wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Warta Nabadda ay heleen noqoneysaa 6 dhibcood (Lix dhibcood).

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, mana jirin wax ka faa,iideysi ah, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Kaxda ka dhigeysaa inay heleen 6 dhibcood (Lix dhibcood).

Tartamayaasha labada degmo ayaa su’aalihii loogu talagalay ee la weydiiyay waxa ay heleen isku dhibco, waxaana uu gudigga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ku daray waqti dheeri ah, si loo kala saaro cidda afar dhamaadka tartanka u soo gudbeysa, waxaana tartamayasha degmada Kaxda ay iska qaldeen su’aashii la weydiiyay, balse fursadaadi ma aysan ka faa’iideysan tartamayaasha degmada Warta Nabadda, hayeeshee waxa ay si toos ah uga jawaabeen su’aashii dhankooda ahayd, iyagoo la yimid 8 dhibcood., kuwaasi oo u soo gudbay afar dhamaadka.

Habeen dambe oo waxaa wada tartami doona Degmooyinka Kismaayo iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, kaasi oo ah wareegga afarta koox, iyadoo ciddii soo badisa ay u gudbeyso kama dambeysta tartanka.

 

 

Previous Post

Munaasabad lagu xusayo maalinta xorriyadda ee 1-da Lulyo oo caawa ka socota Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo 1-da Luulyo darteed hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo 1-da Luulyo darteed hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo 1-da Luulyo darteed hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed "SAWIRRO"

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In