Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisaΒ 17aad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Jilib Vs Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya BangigaΒ IBS.
Tartameyaasha labada degmo eeΒ Jilib Vs Dharkeynley ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan,Β iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Jilib
Tartameyaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Suβaal, todobadii suβaal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen AfarΒ suβaal, halka ay iska qaldeen Saddex Β suβaal, waxa ay ka faaβiideysteen Labo suβaal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dharkeynley, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotay Labo iyo tobanΒ (12) dhibcood.
Dharkeynley
Tartamayaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suβaal, waxa ay ka jawaabeen Saddex suβaal oo kaliya, waxa ay iska qaldeen Afar suβaal, ma jirin wax ka faaβiideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Degmada Dharkeynley, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dharkeynley waxay noqotay Lix (6) dhibcood.
Hadaba kulankiiΒ 17aadΒ ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe,Β ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenkaΒ 18aadΒ ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Afar degmo, waxaa qevbta koowaad is arki doona degmooyinka Kismaayo iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, halka qeybta Labaad ay ku tartami doonaan degmooyinka Xamar weyne iyo Boondheere oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur












