Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartan adag kadib tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga xiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartan adag kadib tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga xiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii afaraad ku tartamay tartameyaasha degmooyinka Gaalkacyo VS Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo VS Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Gaalkacyo

Tartameyaasha degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen Lix su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Boondheere, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay afar dhibcood.

Boondheere

Tartamayaasha Degmada Boondheere waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxaana su’aalihii la weydiiyay ay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen Lix su’aal, waxaana ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Degmada Gaalkacyo, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Boondheere ay noqotay afar dhibcood.

Tartamayaasha labada degmo ayaa isku dhibco noqday, waxaana lagu daray waqti dheeri ah, si loo kala saaro tartamayaasha labada Degmo sida u dhigayo sharciga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka, kaddib markii ay ka jawaabeen su’aalihii dheeriga ahaa oo mid ka mid ah soo hareermartay tartamaayasha Degmada Boondheere iyo su’aashooda oo ay ka jawaabeen, sidaasina waxa ay ku heleen 4 dhibcood, wadarta guud ee tirada ay ku so baxeen tartamaayasha Gaalkacyo ay noqoneysaa 8 dhibcood iyo Boondheere oo la timid 4 dhibcood.

Habeen dambe oo ah habeenka shanaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag Vs Dhusamareeb oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

Sawir Qaade:- Mohamed M. Hassan “White-ka”

Previous Post

Xidigle Xoogga Dalka Faisa Cabdirashid oo kaalmo gaarsiisay Naafada Xoogga ee ku jira isbitaalka Martini

Next Post

Gaari Qarax siday oo lagu Qabtay Magaalada Boosaaso”Sawiro”

Next Post
Gaari Qarax siday oo lagu Qabtay Magaalada Boosaaso”Sawiro”

Gaari Qarax siday oo lagu Qabtay Magaalada Boosaaso”Sawiro”

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In