Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartan adag kadib tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga xiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartan adag kadib tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga xiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii afaraad ku tartamay tartameyaasha degmooyinka Gaalkacyo VS Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo VS Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Gaalkacyo

Tartameyaasha degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen Lix su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Boondheere, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay afar dhibcood.

Boondheere

Tartamayaasha Degmada Boondheere waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxaana su’aalihii la weydiiyay ay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen Lix su’aal, waxaana ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Degmada Gaalkacyo, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Boondheere ay noqotay afar dhibcood.

Tartamayaasha labada degmo ayaa isku dhibco noqday, waxaana lagu daray waqti dheeri ah, si loo kala saaro tartamayaasha labada Degmo sida u dhigayo sharciga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka, kaddib markii ay ka jawaabeen su’aalihii dheeriga ahaa oo mid ka mid ah soo hareermartay tartamaayasha Degmada Boondheere iyo su’aashooda oo ay ka jawaabeen, sidaasina waxa ay ku heleen 4 dhibcood, wadarta guud ee tirada ay ku so baxeen tartamaayasha Gaalkacyo ay noqoneysaa 8 dhibcood iyo Boondheere oo la timid 4 dhibcood.

Habeen dambe oo ah habeenka shanaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag Vs Dhusamareeb oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

Sawir Qaade:- Mohamed M. Hassan “White-ka”

Previous Post

Xidigle Xoogga Dalka Faisa Cabdirashid oo kaalmo gaarsiisay Naafada Xoogga ee ku jira isbitaalka Martini

Next Post

Gaari Qarax siday oo lagu Qabtay Magaalada Boosaaso”Sawiro”

Next Post
Gaari Qarax siday oo lagu Qabtay Magaalada Boosaaso”Sawiro”

Gaari Qarax siday oo lagu Qabtay Magaalada Boosaaso”Sawiro”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In