Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan Isboorti oo ku saabsanaa Nabadda iyo isdhaxgalka bulshada oo lagu soo gabo gabeeyay degmada Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan Isboorti oo ku saabsanaa Nabadda iyo isdhaxgalka bulshada oo lagu soo gabo gabeeyay degmada Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Koob loogu magacdaray Nabadda iyo Isdhexgalka bulshada oo ay ku tartameen kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan Degmada Xudur ayaa lasoo gabagabeeyey.

Cayaartaan kamadambeyska aheyd oo maanta lagu soo gabagabeeyey garoonka kubada cagta Dr. Waaberi waxa taabagelisey Jaaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Waqooyiga Ameerika, waxana wada cayaaray Kooxaha kala ah ACF iyo BURIYAA mid walba bilowga cayaarta waxay ku haminaysay in koobka ay hanato.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Boqolaal dadweyne oo kala taageeraya labada kooxood ayaa soo buux dhaafiyey tarabuunka, cayaartu waxay aheyd mid aan lasaadaalin karin, xubno ka tirsan Maamulka Gobolka, kan  Degmada iyo Guddiga cayaaraha ayaa goob joog ka ahaa oo cayaartu daawanayey, qeybta hore ee cayaarta waxa lagu kala nastay 2- 0 oo ku hogaaninaysay kooxda ACF.

Kooxda Buriyaa ayaa iska lumisey fursado badan waxana gabagabadii cayaarta ku soo idlaatay 4-1 oo ay guusha ku raacday kooxda ACF, intaa kaddib waxa labilaabay guddoonsiinta koobab iyo bilado shaksiyaad mutaystay iyo kooxdii guusha raacday.

Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Xudur Maxamed Fiidow Maxamuud iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Jaaliyadda uga mahadceliyey taabagelinta tartanka lagu xoojinayya isdhexgalka bulshada.

Tartankan isboorti ee lagu dar dargelinayay isdhexgalka bulshada ayaa ka turjumeysa dadaalka maamulka iyo ciidamada ay ku bixiyeen adkeynta Nabadgelyada Degmada Xudur iyo deegaannada ku teedsan.

W:D/ Maxamed Xasan Cabdiraxmaan (Bakool)

Previous Post

Ergooyin ka qeyb-galaya Shirka Nabadeynta Goldogob oo lagu soo dhaweeyay Degmadaasi+sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo kormeeray waddada Ex-koontarool Balcad oo howlo dib u dhis ah ay ka socoto “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo kormeeray waddada Ex-koontarool Balcad oo howlo dib u dhis ah ay ka socoto “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo kormeeray waddada Ex-koontarool Balcad oo howlo dib u dhis ah ay ka socoto “SAWIRRO”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In