Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan Isboorti oo ku saabsanaa Nabadda iyo isdhaxgalka bulshada oo lagu soo gabo gabeeyay degmada Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan Isboorti oo ku saabsanaa Nabadda iyo isdhaxgalka bulshada oo lagu soo gabo gabeeyay degmada Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Koob loogu magacdaray Nabadda iyo Isdhexgalka bulshada oo ay ku tartameen kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan Degmada Xudur ayaa lasoo gabagabeeyey.

Cayaartaan kamadambeyska aheyd oo maanta lagu soo gabagabeeyey garoonka kubada cagta Dr. Waaberi waxa taabagelisey Jaaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Waqooyiga Ameerika, waxana wada cayaaray Kooxaha kala ah ACF iyo BURIYAA mid walba bilowga cayaarta waxay ku haminaysay in koobka ay hanato.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026

Boqolaal dadweyne oo kala taageeraya labada kooxood ayaa soo buux dhaafiyey tarabuunka, cayaartu waxay aheyd mid aan lasaadaalin karin, xubno ka tirsan Maamulka Gobolka, kan  Degmada iyo Guddiga cayaaraha ayaa goob joog ka ahaa oo cayaartu daawanayey, qeybta hore ee cayaarta waxa lagu kala nastay 2- 0 oo ku hogaaninaysay kooxda ACF.

Kooxda Buriyaa ayaa iska lumisey fursado badan waxana gabagabadii cayaarta ku soo idlaatay 4-1 oo ay guusha ku raacday kooxda ACF, intaa kaddib waxa labilaabay guddoonsiinta koobab iyo bilado shaksiyaad mutaystay iyo kooxdii guusha raacday.

Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Xudur Maxamed Fiidow Maxamuud iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Jaaliyadda uga mahadceliyey taabagelinta tartanka lagu xoojinayya isdhexgalka bulshada.

Tartankan isboorti ee lagu dar dargelinayay isdhexgalka bulshada ayaa ka turjumeysa dadaalka maamulka iyo ciidamada ay ku bixiyeen adkeynta Nabadgelyada Degmada Xudur iyo deegaannada ku teedsan.

W:D/ Maxamed Xasan Cabdiraxmaan (Bakool)

Previous Post

Ergooyin ka qeyb-galaya Shirka Nabadeynta Goldogob oo lagu soo dhaweeyay Degmadaasi+sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo kormeeray waddada Ex-koontarool Balcad oo howlo dib u dhis ah ay ka socoto “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo kormeeray waddada Ex-koontarool Balcad oo howlo dib u dhis ah ay ka socoto “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo kormeeray waddada Ex-koontarool Balcad oo howlo dib u dhis ah ay ka socoto “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge ka tirsan Khawaarijta

March 2, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

March 2, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmudug, ayaa maalintii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In