Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Sport oo loo qabtay maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Tartan Sport oo loo qabtay maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa gelinkii dambe maaanta waxaa lagu soo gebagebeeyay   koob loogu   magacdaray dhiiragalinta maxaabiista ku xiran xabisga waxaana  uu socday mudo laba bil ah iyadoo ay  ku tartameen  16 Naadi oo laga soo xulay  maxaabiista ku xiran xabsiga.

Ciyaarta oo  ahayd mid   aad u xiisa badan oo labada koox ay  midba mida ka dabeyso ay hardan ugu jirto sidii ay ugu guulesan lahayd,waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyaha ciidanka Asluubta iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Waqtigii ciyaarta loo qorsheeyay in ay socoto ayaa waxaa ay key soo idlaatay goolal la’aan waxaana loo baahday in loo dhigo rigooriyaal ama gool ku laad sidaas ayaana lagu kala saaray labada koox.

Taliayha Ciidanka Asluubta Somaaliyeed sareeyo gaas Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe” oo hadalo   dhiirigelin iyo  bogaadin ah u jeediayay  dhalinyaradda ku xiran  Xabsiga dhexe ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono qalab ay key shaqeeyaan maxaabiista.

“Waxaa naga go’an meeshaan in aysan noqon meel dadka lagu ciqaabo,qofka dambi wuu geli karaa laakiin haddii uu meeshaan yimaado waa in uu noolaado waa qof insaan ah, mar dhow waxaan idin soo dirney beri ayaa filayaa in la idin qeybin doono waxaa key yaala warqadda qof kasta aqoonta uu leeyahay ayuu key shaqeyn doonaa”. Ayuu yiri Janaraal Bashir Goobe.

Xeer ilaaliyiha guud ee qaranka Dr Axmed  Cali Daahir ayaa kula dardaaramay  dhalinyaradda ku xiran xabsiga dhexe isagoo sheegay in loo baahan yahay in ay ka faa’ideystaan qof kasta aqoonta uu leeyahay inta uu meeshaan joogo.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan idin la kulmo si nabadgeliyo ah anagoo mas’uuliyiinta qaranka ah adigoo na dhageysanay waxaa aad tihiin dadka Soomaaliyeed  oo aan wada noolaan karno”. Ayuu sheegay Dr Axmed.

 

Previous Post

Xarunta Hanuuninta iyo Daaweynta  kutalax-tagga Diinta oo laga furey Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo shir guddomiyay shirka hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya {SAWIRRO}

Next Post
Madaxweynaha oo shir guddomiyay shirka hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya {SAWIRRO}

Madaxweynaha oo shir guddomiyay shirka hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya {SAWIRRO}

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In