Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo furay tartanka ciyaaraha gobollada dalka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo furay tartanka ciyaaraha gobollada dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay tartanka ciyaaraha gobollada dalka iyadoo munaasabaddi furitaanka ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi Nuux , Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee dowladda.

Xulka ciyaartooyda gobolka Banaadir ayaa guul ku daah furtay tartanka gobollada Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan 6 gobol oo hoos yimaadda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Kullanki ugu horreeyay ayaa galabta dhexmaray gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 3-0 oo ay Banaadir ku hoggaaminaysay, waxaana goolasha u dhaliyay Cabdullahi Suarez oo ka tirsan kooxda heerka labaad ee FC Banaadir, halka goolka labaad uu dhaliyay Liibaan Xasan oo u ciyaaray degmada Hilliwaa ciyaarihii degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana goolka saddexaad ansixyay kabtanka kooxda Bariga Dhexe ee Axmed Cabdiqaadir Buush.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ciyaartooyda gobolka Banaadir waxa ay heleen labo gool oo kale, waxaana u dhaliyay Maxamed Ramirez oo ka tirsan kooxda FC Banaadir iyo ciyaaryahanka loo yaqaano  Buush oo markale shabaqa soo taabtsiiyay kubbadda.

Ciyaarta ayaa ugu dambeyn  ku soo dhamaatay 5-0 oo ay guusha ku qaadadeen ciyaaryahannada gobolka Banaadir.

Kulanka berri dhicidoona waxaa wada ciyaari doono Hiiran iyo  Sh/Dhexe oo hal koox matalaya waxaa ayna wajihi doonaan xulka maamulka Jubbaland.

IMG_8202 IMG_8245 IMG_8211

IMG_8251

IMG_8407

IMG_8406

 

Previous Post

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo xafiis ka furatay Baydhabo

Next Post

Madaxweynaha J. F. S. oo si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay dalka Faransiiska

Next Post
Su’aal ma u qabtaa madaxweynaha Soomaaliya?

Madaxweynaha J. F. S. oo si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay dalka Faransiiska

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In