Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 10aad” Akhriso+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 10, 2016
in Maqaallo, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 10aad” Akhriso+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Kordhinta muddada xilhaynta Golaha Shacabka iyo

Dejintii Dastuurka 1990

Dhamaadkii sideetaankii waxaa aad usoo kordhay guuxa dadweynaha oo ay ku diidan xukunkii militeriga iyo nidaamkii halka xisbi keliya iyo mabaadii’dii hantiwadaagga cilmiga ku dhisan oo isku dhex milmay iyo qabiileysigii in muddo ahba si maldahan loo adeegsanaayey oo si daran usoo ifbaxay. Waxaa intaa dheer in Diseemabr 1989 oo muddadii shanta sano ee xilhayntii Golaha Shacabka oo dhamaatay. Ayadoo la qaderinay daruufaha gaar ah ee xilligaa jiray iyo waxkabedelka Dastuurka lagu guda jiray awgeed, waxaa la go’aamiyey in Golaha Shacabka uu xilka sii hayo si uu u soo diyaariyo Dastuur cusub oo nidaamka Jumhuuriyadda loo celinaayo nidaam-dawladeedka rayadka ah ee axsaabta badan, laguna beddelo Dastuurkii 1979 oo ku dhisnaa xukunka hal xisbi keliya iyo mabda’ hantiwadaagga guddoonka dhexe. Waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka loo doortay M.ne S/Gaas Xusseen Kulmiye Afrax oo xilka hayey 1989-1991.

Waxaa la dhisay Guddiga Diyaarinta Dastuurka, oo Golaha Shacabka horkeenay qabyoqoraal Dastuureed oo muddo dheer si tifaftiran uga dooday, doodahaas oo dadweynuhu si toos ah Radiyo Muqdisho loogu tebinayey. Golaha wuxuu Dastuurkaasi u ansixiyey qodobqodob ka dibna wuxuu cutubyadiisa oo iskuduuban u ansixiyey 14-kii Oktoobar 1990 laguna soo saaray Faafinta Rasmiga ah Lr. 1R.10, ayadoo afti qaadista dadweynaha dib loo dhigay goortii duruufuhu saamaxaan. Haseyeeshee dastuurkani ma dhaqangelin ayadoo kacdoonka shacbigu soo kordhayey awgeed iyo ayadoo bishii Jannaayo 1991 nidaamkii dawladeed ee Jumhuuriyadda Demoqraaddiga Soomaaliya ku dhisneyd oo burburay awgeed.

BURBURKII NIDAAMKA DAWLADDA SOOMAALIYA KA JIRTAY

(1991-2000)

Awaa’ilka sanadka 1991 gadoodkii shacbigu wuxuu isu beddelay kacdoon sababay bubur ku dhacay nidaam-dawladeedka Soomaaliya ka jirey, waxaana dalka ka bilowday dagallo sokeeye. Jabhadihii qabaa’ilka ee hubaysnaa iyo duubabka qabaa’ilka oo ay wehliyaan siyaasiyiintii waaweynayd ee dalka u haray, waxay abaabuleen kulamo sulux ah oo lagu raadinayey dib-usoo-celin nidaam-dawladeedkii dalka. Waxay Bishii Maarso 1991 Magaalada Djabouti ku doorteen in M.ne Cali Mahdi Maxamed uu si ku-meel-gaar ah u qabto jagada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Soomaaliya. Haseyeeshee isku dayid kulamo badan oo dalka gudihisa iyo dibadiisaba lagu qabtay, oo loola gol lahaa nabadaynta iyo dib-u-heshiinta qabaa’ilka iyo dib usoo noolaynta nidaam-dawladeedka si wax-ku-ool ah uma hirgeli maadaama muddadaas aan la dhisin Gole Baarlamaan oo shacbiga lagu mattalo, kazoo ah Golaha saldhigga u ah oo aan marna looga maarmin dhisidda hay’adaha kale iyo kaabayaasha Dawladda iyo damaanaqaadka jiritaanka dawladnimda.

Saa daraadeed, muddadii u dhexeysay Luuliyo 1992 ilaa Agoosto 2000 Qarumaha Midobay waxay caddeysay una aqoonsatay in Soomaaliya ku sifowday “Dal nidaam-dawladeedkiisu dhicisoobay” ama loo yaqaan “failed state”.

20-kii Agoosto sanadka 2000 waxaa lagu guuleystay in la dhiso Dawlad ku meelgaar ah oo caalamku u aqoonsaday in ay dalka ka gudbiso marxaladda kalaguurka, waxaana loogu magacdaray Transitional National Government (TNG). Kulamo dib-u-heshiisiin muddo dheer socday laguna qabtay Magaalada Carta, dalka Jumhuuriyadda Djibouti waxaa lagu soo dhisay Golaha Shacbiga Dawladda KMG, oo ka kooban 245 xubin ay soo xuleen odayaal dhaqameedka, muddada xilhayntiisuna tahay afar (4) sano. Waxaa ilsa markiiba Guddoonka Golaha Shacabka loo doortay M.ne Cabdlla Deerow Isaaq. Waxaa isla kulankaas Magaalada Carta lagu doortay Madaxweynaha Dawladda ku-meelgaarka ahay.

Doorashadii Madaxweynha Dawladda ku-meel-gaarka ee 26-kii Agoosto 2000 –Transitional National Government (TNG)

26kii Agoosto 2000 waxaa dalka Djibouti lagu qabtay doorashada Madaxweynaha dawladda KMG ee Soomaaliya. Waxaa dooranaayey: Baarlamaanka ku-meel-gaarka. Waxaa goobjoog ahaa oo codeynaey 235 xildhibaan. Waxaana ku tartamayey 16 musharrax. Natiijada doorashada oo kooban waa sida soo socota:

Wareeg

Codadka aamusay ama xumaaday:

Cododka ansaxay:

Wadarta Cododka

Wareega Koowaad

3

235

238

Wareega Labaad

2

236

238

Wareega Saddaxaad

1

237

238

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

Cabdulqassim Salaad Xassan

78 (33.19%)

124 (52.54%)

145 (61.18%)

Cabdullaahi Axmad Cadow

83 (35.32%)

110 (46.61%)

92 (38.82%)

Cali Khaliif Galaydh

35 (14.89%)

2 (0.85%)

–

Cali Mahdi Maxamed

12 (5.11%)

–

–

Iyo 12 musharrax kale

27 (11.49%)

–

–

-Fiiro gaar ah: inkastoo M.ne Cali Mahdi uu sharciyan xaq u lahaa inuu u gudbo wareegga 2-aad, hadana isagaa iskiisa tartanka uga tanaasulay. Saa daraadeed waxaa wareegga labaad u gudbay sadaxda musharrax ugu cod saraysay, wareegga 3-aad ee lagu kala baxayeyna waxaa ku tartamay M.ne Cadulqaasim Salaad iyo Cabdullahi Axmad Caddow. Waxaa ku guuleystay M.ne Cabdulqaasim Salaad Xassan.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/11/Qeybta-10aad.mp3

La Soco Qeybta 11aad Insha Allah

Previous Post

Daawo Sawirro: Galmudug oo lagu doortay Labo Xildhibaan oo kamid noqonaya Aqalka Hoose

Next Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Dr. Hassan Haji Ali Mire

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Puntland ku bogaadiyay oggolaanshaha qaabka doorasho ee 2016-ka

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Dr. Hassan Haji Ali Mire

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In