Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 12aad” Akhriso+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 12, 2016
in Maqaallo, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 12aad” Akhriso+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Dejinta iyo ansixinta Dastuurka Agoosto 2012 – Dhisidda Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya – Ka bixiddii ku-meel-gaarnimada

Taniyo 2008 waxaa lagu hawlanaa dejinta Dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo soo maray marxalado badan. Waxaa ugu dambayntii si ku-meel-gaarah u ansixiyey 135 odayaal dhaqameedka soomaaliyeed oo ay wehliyaan ergooyin ilaa 800 kor u dhaafay oo laga soo xulay bulshaweynta iyo urrurrada bulshada rayadka ah.

Waxayna dastuurkan wax-ka-beddellada uu baahan yahay u igmadeen Baarlamaanka cusub ee federaalka. Ansixinta dastuurkan oo looga guurayey Ahdigii ku-meel-gaarka ahaa ee 2004 wuxuu ahaa tallabadii ugu horreysay oo looga baxayey ku-meel-gaarnimada dawladda.

Arrimaha uu dastuurkan xeeriyey waxaa ka mid ahaa in tirada xubnaha Aqalka Golaha Shacbigu ka kooban yahay 275 xildhibaan, Aqalka Sarena 54 xildhibaan ka wakil ah Dawladaha Goboleed. Saa daraadeed odayaasha dhaqanka ee 135ta ahaa waxay markiiba u hawlgaleen xulidda xildhibaanada Golaha Shacabka. Kasoo lasoo gabagabeeyey xubnaha cusub e Golahana la dhaariyey 20-kii Agoosto 2012 – saacadduna ahayd 5:00 galabnimo.

Golaha wuxuu isla maalintaasba isla oggolaaday in M.ne Muuse Xassan noqdo Guddoomiyaha ku meel gaarka ah maadama uu ahaa xildhibaanka ugu da’da weyn, oo uu shirguddoomiyo kulammada Golaha ilaa iyo inta Goluhu Gudoonkiisa ku dooranayo. Markii ay soo dhamaadeen hawlihii musharrixiinta u tartamaysay Guddoonka Baarlamaanka, Golaha qaybta hore ee Kulankiisa 28-kii Agoosto 2012 wuxuu gudagalay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Waxaa dooranayey Golaha Shacabka. Waxaa goobjoog ahaa oo codeynayey 234 Xildhibaan, waxaa ku looltamayey (5) shan Musharax.

Sida doorashadu dhacday oo faahfaahsan waxaa laga akhrisan karaa http://sfp.so/wp-content/uploads/2015/11/Qaraarka-Doorashada-Guddoonka-Golaha.pdf Qaraarka Golaha Shacbiga Lam. Tix: GSH/01/12 ee 28ka Agoosto 2012. Natiijada Doorashada Gudoomiyaha oo koobanna waa sida ku muuqaalisan shaxda halkan hoose:

Wareeg

Codadka aamusay ama xumaaday:

Cododka ansaxay:

Wadarta Cododka

Wareega Koowaad

0

234

234

Wareega Labaad

–

–

–

Wareega Saddaxaad

–

–

–

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

Xil. Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari

119

Wadar oggol

–

Xil. Cali Khaliif Galeyr

77

–

–

Xil. Cabdi Xaashi Cabdullahi

23

–

–

Xil. Cabdirashid Maxamed Xidig

10

–

–

Xil. Xasan Abdshir Faarax

5

–

–

Fiiro gaar ah; Inta aan la gudagelin wareega 2aad ee Doorashada dhamaan musharaxiinta wey tanasuleen, waxaana si wadar oggol ah Goluhu isku raacay in M.ne Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari noqdo Guddoomiyaha Golaha Shacbiga ee Baarlamaanka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaybta labaad ee ajendaha kulanka waxaa loo gudagalay doorashada labada Guddoomiye ku-xigeen siday u dhacday oo faahfaahsan laga akhrisan karo http://sfp.so/wp-content/uploads/2015/11/Qaraarka-Doorashada-Guddoonka-Golaha.pdf Qaraarka Golaha Shacbiga Lam. Tix: GSH/01/12 ee 28ka Agoosto 2012

Doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha

Waxaa dooranayey Golaha Shacabka. Waxaa goobjoog ahaa oo codeynayey 219 Xildhibaan, waxaa ku looltamayey (10) Toban Musharax. Sida doorashadu dhacday oo faahfaahsan waxaa laga akhrisan karaa http://sfp.so/wp-content/uploads/2015/11/Qaraarka-Doorashada-Guddoonka-Golaha.pdf Qaraarka Golaha Shacbiga Lam. Tix: GSH/01/12 ee 28ka Agoosto 2012. Natiijada Doorashada Gudoomiyaha oo koobanna waa sida ku muuqaalisan shaxda halkan hoose:

Wareeg

Codadka aamusay ama xumaaday:

Cododka ansaxay:

Wadarta Cododka

Wareega Koowaad

0

219

219

Wareega Labaad

0

209

209

Wareega Saddaxaad

–

–

–

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

Xil. Cabdiwali Ibraahim Muudey

40

58

–

Xil. Jeylaani Nuur Iikar

36

91

Wadar oggol

Xil. Bashir Maxamed Jaamac

31

30

–

Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

26

30

–

Xil. Tahliil Cabdi Maxamed

22

–

–

Xil. Maxamed Cali Xagaa

19

–

–

Xil. Ibraahim Saalax Deyfallah

17

–

–

Xil. Cabdalla Boos Axmed

12

–

–

Xil. Maxamed Cumar Dhalxa

8

–

–

Xil. Cabdixakiin Cige Guuleed

8

–

–

Fiiro Gaar ah:

  1. Madaama wareega 1aad musharaxiinta midkoodna helin 139 cod oo u dhiganta 50%+1 (boqolkiiba konton iyo hal dheeri) ee tirada Guud ee Golaha Shacabka si waafaqsan qod. 65 (4) ee Dastuurka, waxa loo gudbay wareega 2aad oo ay ku tartameen afarta (4) xildhibaan ee ugu cod sareysa. Sidoo kale waxa loo baahday in loo gudbo wareega saddaxaad (3aad) oo lagu kala reebay labad musharax ee ugu cod badnaaday wareega 2aad. Haseyeeshee inta aan la gudagelin wareegga 3aad ee lagu kala reebayo labada musharax ee uu ugu codadka badan, waxaa wada tanaasulay xildhibaanada Cabdiwali Ibraahim Muudey, Bashir Maxamed Jaamac iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

  2. Sidaa daraadeed looma baahan wareega 3aad, wuxuuna Goluhu wadar oggol ku ansixiyey in M.ne Jaylani Nuur Iikar noqdo Guddoomiye K/Xiggeenka 1aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha

Waxaa dooranayey Golaha Shacabka. Waxaa goobjoog ahaa oo codeynayey 201 Xildhibaan, waxaa ku looltamayey (4) Afar Musharax. Sida doorashadu dhacday oo faahfaahsan waxaa laga akhrisan karaa http://sfp.so/wp-content/uploads/2015/11/Qaraarka-Doorashada-Guddoonka-Golaha.pdf Qaraarka Golaha Shacbiga Lam. Tix: GSH/01/12 ee 28ka Agoosto 2012. Natiijada Doorashada Gudoomiyaha oo koobanna waa sida ku muuqaalisan shaxda halkan hoose:

Wareeg

Codadka aamusay ama xumaaday:

Cododka ansaxay:

Wadarta Cododka

Wareega Koowaad

0

201

201

Wareega Labaad

–

–

–

Wareega Saddaxaad

–

–

–

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

Mahad Cabdalla Cawad

112

Wadar oggol

–

Cabdullahi Cusmaan Ducaale Sugulle

48

–

–

Maxamed Cabdullahi Xasan

22

–

–

Cusmaan Cilmi Boqore

19

–

–

Fiiro Gaar ah:

  1. Madaama wareega 1aad musharaxiinta midkoodna helin 139 cod oo u dhiganta 50%+1 (boqolkiiba konton iyo hal dheeri) ee tirada Guud ee Golaha Shacabka si waafaqsan qod. 65 (4) ee Dastuurka, inta aan la gudagelin wareegga 2aad ee lagu kala reebayo labada musharax ee uu ugu codadka badan, waxaa wada tanaasulay xildhibaanada Cabdullahi Cusmaan Ducaale Sugulle, Maxamed Cabdullahi Xasan iyo Cusmaan Cilmi Boqore.

  2. Sidaa daraadeed looma baahan wareega 3aad, wuxuuna Goluhu wadar oggol ku ansixiyey in M.ne Mahad Cabdalla Cawad noqdo Guddoomiye K/Xiggeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/11/Qeybta-12aad.mp3

La Soco Qaybta 13aad Insha Allah

Previous Post

Ciidanka XDS oo howlgallo ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Sh/Hoose

Next Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 13-11-2016

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 13-11-2016

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In