Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 2aad”,,,AKHRISO+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Maqaallo, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 2aad”,,,AKHRISO+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhalashadii Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dhismihii Golihii Sharcidejinta Soomaaliya.

Gobolladii Woqooyi Dalka Soomaaliyeed ee loo yiqiin “British Somaliland” oomadaxbannanidiisa helay 26-ka Juun 1960, wuxuu 1-dii Luuliyo 1960-kii la midoobay Gobolladii Koofurta Soomaaliya oo ku jiray Wasiyadda {dardaaaranka} Qarumaha Midoobay, Midowga labadooda waxaa ku dhismay Jamhuuriyadda Soomaaliya oo madaxbannaan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026

Sida ku cad Sharciga Lam 5 ee 31 Jannayo 1961 oo ah sharciga Soomaaliya oo madaxbannaan ku midowaday, Golihi Qaranka ee ugu horreeyey ee Soomaaliya wuxuu ka koobnaa 123 xildhibaan, oo ah wadrata: Sagaashan (90) Xildhibaan oo ka yimid Golaha Qaranka ee Koofurta Soomaaliya, oo la soo doortay 1959 – iyo soddon iyo saddax (33) xildhibaan ka yimid Golaha Sharcidejinta ex British Somaliland oo ahaa xildhibaanadii la soo doortay1960, sidaana waxaa ku sameysmay Golihii Sharcidejinta 1aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana loo yaqiin“Assemblea Nazionale/National Assembly” (ama Golaha Sharcidejinta Qaranka), astaanta lagu gartona ahayd xarfaha A.N. oo guduudan.

Golahan Sharcidejinta 1aad ee Jamhuuriyadda ayaa si Ku-meel-gaar ah u ansixiyey Dastuurkii 1960kii una diray in Shacbigu ku ansixiyo Afti Qaran, wuxuuna Golahan isla markaa M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan u doortay in uu noqdo Madaxweynihii 1aad ee Soomaaliyeed ee Madaxbannaan.

Natiijada Doorashadii Madaxweynaha Ku-meel-gaar ah ee Soomaaliya – Luulyo 1960kii

Waxaa dooranaayey: Golaha Xildhibaannada Qaranka (Assemblea Nazionale /National Assembly) Tirada Xildhibaannada fadhiyey ee codeynayey waxay ahaayeen 115 Xildhibaan

Wareeg

Codadka aamusay ama xumaaday:

Cododka ansaxay:

Wadarta Cododka

Wareega Koowaad

8

107

115

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan

107

0

0

FG. Sida uu qabey qoddobka 71 (1) ee Dastuurka 1960kii M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan oo wagaas ahaa 45 jir wuxuu noqday Musharraxa kaliya ee buuxiyey da’da dastuuriga ah ee lagu noqonayey Madaxweyne, wuxuuna markaa hayey xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka. Madaama uusan jirin musharax kale oo usoo istaagay tartanka Madaxweynimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, buuxiyeyna sharuudihii dastuuriga ahaa, isagaas ayaana loo doortay Madaxweyne muddo hal sanno oo gaarsiin ah taniyo inta afti dadweyne lagu ansixinayo Dastuurka cusub ee 1960kii.

Aftida Qaranka: Meelmarinta Dastuurka 20-ka Juun 1961.

Dastuurkii 1da Luuliyo 1960kii, oo Golahii Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliya sida ku-meel-gaarka u ansixiyey, waxaa 20kii Juunyo 1961 lagu meelmariyey afti qaran oo loo bandhigay Shacbiga Jamhuuriyadda. Natiijada rasmiga ahana waxaa ansaxiyey kuna dhawaaqay Maxkamadda Sare. Natijada codeyntii shacbiga oo kooban waxay noqotay sida halkan hoose ku qoran, ayadoo faahfaahsanna arag lifaaqa:

Koobniin Natiijadda Aftida Qaran 1961 loo qaaday Dastuurkii 1960kii

Tirada Codbixisay

Tirada Doortayaasha Codbixisay

1,948,348

Inta oggolaatay Dastuurka

1,756,216

Inta diiday Dastuurka

183,000

Xaanshiyaha xummaaday

9,132

Codeynta aftida qaran ansixinta dastuurka oo faahfaahsan

Juun 1961

X/T

Gob. Banaadir

Goob cod bixin

Haa

Maya

Muqdisho

155

26,804

15,217

Marka

151

87,443

10,601

Baraawe

132

70,911

1,599

Afgooye

134

77,627

895

Wanlewayn

130

68,994

– – –

Jawhar

140

83,414

4,234

Balcad

131

38,461

12,553

Aadan Yabaal

136

68,354

3,684

X/T

G/Jubada Hoose

Goob cod bixin

Haa

Maya

Kismaayo

130

40,302

4,640

Jamaame

134

60,975

2,692

Afmadow

120

34,469

1,442

Jilib

155

26,804

15,217

X/T

Gobolka J/sare

Goob cod bixin

Haa.

Maya.

Baydhabo

150

114,441

213

Buur Hakaba

141

87,351

97

Luuq

132

70,105

543

Xuddur

131

65,883

124

Diinsoor

127

60,147

369

Baardheere

129

53,831

1,156

X/T

Gobolka Hiiraan

Goob cod bixin

Haa.

Maya.

Beledwayne

134

6,930

9,359

Buula Burde

137

7,366

14,194

X/T

Gobolka Mudug

Goob cod bixin

Haa.

Maya.

Gaalkacyo

130

43,476

9,658

Dhuusamareeb

126

23,098

2,589

Ceelbuur

131

52,598

3,589

Hobyo

126

29,716

2,519

X/T

G Majeerteeniya

Goob cod bixin

Haa.

Maya.

Boosaaso

120

29,169

12,308

Qandala

120

42,035

1,924

Caluula

124

54,641

44

Iskushuban

130

63,298

4,484

Qardho

135

78,190

2,198

Eyl/Garowe

140

78,876

4,977

No.

Gobolka Hargaysa

Goob cod-bixin

Haa.

Maya.

Hargaysa

143

10,449

27,087

Berbera

117

2,220

5,231

Boorame

125

14,380

522

No.

Gobolka Burco

Goob cod-bixin

Haa.

Maya.

Burco

126

6,427

12,868

Laascaanood

118

12,090

2,553

Ceerigaabo

123

3,950

6,019

FG. Codeynta Aftida Qaran waxaa cabashooyin ka soo jeediyey Degmooyinka Marka, Afgooye, Beledwayne, Dhusa-marreeb iyo Ceel-Buur, iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee G.L.S, S.N.L. iyo U.S.P. cabashooyinkaasi waxaa 4tii Luulyo 1961 go’aan ka gaartay Maxkamadda Sare oo ansixisay natiijadda kor ku xusan.

Waxaa xusid mudan in tirabuurta diiday dastuurka cusub waxay u badnaayeen dadkii waagaas degannaa Gobollada Woqooyi Jamhuuriyadda ee Ex-British Somaliland iyo Gobolka Hiiraan. Waxaase aqlabiyad aad u ballaaran ku ansixiyey, dastuurka cusubna ku oggolaaday dadkii Soomaaliyeed ee ku nolaa Gobollada dalka intiisi kale.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/10/Qeybta-2aad.mp3

La Soco Qeybta 3aad Insha Allah

Previous Post

Dhulgariir xoogan oo markale ka dhacay Dalka Talyaaniga.

Next Post

Wasiirka Maaliyada Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka furay shir looga hadlayo Kobcinta Dhaqaalaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Maaliyada Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka furay shir looga hadlayo Kobcinta Dhaqaalaha “SAWIRRO”

Wasiirka Maaliyada Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka furay shir looga hadlayo Kobcinta Dhaqaalaha "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In