Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 6aad” Akhriso+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Maqaallo, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 2aad”,,,AKHRISO+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doorashooyinka Golaha Sharcidejinta 4-aad ee Qaranka 26 Maarso 1969:

Dorashooyinkan la qabtay bishii Maarso 1969, waa doorashadii 3-aad uguna dambaysay Soomaliya oo dadweynuhu si toos ah u doorto madaxdiisa iyo wakiilladiisa siyaasadeed, waana doorashadii ugu horreysay oo isku mar la qabto Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka iyo wakiillada Golayaasha Dawladaha Hoose dalka oo dhan, waxaana lagu maamulay Sharciga Lambarkiisu yahya Lr. 13 ee 6 Juun 1968.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026

Wax-ka-beddeka lagu sameeyey Qodobka 9-aad ee shargigan ayaa soo kordhiyey nidaamka cusub oo tirada kursiga loogu guuleysto iyo shuruudaha musharrixiinta

Arrimaha ugu muhiimsan ee lagu xeeriyey Sharcigan Doorashooyinka:

  1. 123 xildhibaan ee uu ka koobnaa Golaha Sharcidejinta Qaranka waxaa lagu soo doortay mabda’a doorashada oo ay ragga iyo haweenkuba xaq u leeyihiin codeynta (universal suffrage), waxaana lagu fuliyey nidaamka qofkiiba-hal-cod, (one-man-one-vote system).

  2. Muwaadin kasta oo rag iyo haweenba leh, oo ugu yaraan sannadka doorashooyinka la qabanaayo 18 jirsaday waxay leeyihiin xaqqa codeynta. Waxaase shardi ah in miirkiisu u dhan yahya, oo aan lagu ridin xukun ka reebaya inuu xil ka qabto xafiisyada Dawladda, ama xukun looga qaadin xaqqa codeynta ama dembi uu galay awgeed xabsi ku jira.

  3. Dhammaan muwaadin xaqqa codeynta oo ugu yaraan 25 jirsaday sanadka doorashada la qabanayo, oo karti u leh wax-akhris iyo far-aqorista ayaa xaq u lahaa in loo dooran karo xubinnimada Golaha Sharcidejinta Qaranka, waxaase ka reebana oo aan Golahan loo dooran karin Shaqaalaha Dawladda Rayadka ah iyo Hay’adaha kale ee Dawladda, iyo Ciidammada Qalabka Sida ama xoogagga u habeysan nidaam ciidan-u-yaal (Paramilitary).

  1. Sharcigii doorashooyinka lagu soo dhaqmayey taiyo 1964 waxa lagu soo kordhiyey sharcigan cusub xeeriye waxaa ka mid ah:

  1. Sida uu xeeriyey Qodobka 9-aad ee sharciga cusub, nidaamka kuraasta loogu kala badinaayo waxaa laga dhigay in tirada codadka ansaxa ah ee degmada ku codeeyey loo qaybiyo tirada kuraasta ay degmadaas ku leedahay Golaha Shacabka wixii ka soo baxa ayaa u dhigma hal kursi. Saa daraadeed Xisbigii hela tiradii ka soo baxday qaybintaas keliya ayaa kursi ama kuraas heli kara. Xukuumaddu nidaamkan cusub waxay ku sheegtay in looga gol leeyahay si looga hortago laguna yareeyo axzaabta siyaasadeed yaryar ee faraha badan oo samaysma doorashooyinka ka hor hadana haddiiba baaba’a doorashada ka dib.

  2. Wuxuu kaloo Qodobka 9-aad xeeriyey in dhammaan shaqaalaha Dawladda ha ahaadeed kuwa rayadka ama Ciidanka Qalabka Sida (CQS) ahba aan Golaha Shacabka loo dooran Karin haddii aanay shaqada dawladda ka istaqaaloon 180 maalmood ka hor maalinta doorashada la qabanayo. Saa daraadeed hawlwadeenno sare oo ka mid ahaa shaqaalaha Dawladda iyo saraakiil badan ee ciidamadda qalabka sida ayaa shaqada ka tagaya oo doontay doorashooyinka. Waxaase xusid mudan in xilligii doorashooyinka 1959 iyo doorashooyinkii la qabta 1964 Gobollada Koofurta Soomaaliya Shaqaalaha Dowladda Rayadka iyo CQS waa lagu dhiirrigelin jiray inay ka qaybgalaan doorashooyinka, waxaana la siin jiray fasax lacag la’aan ah, oo shaqadooda ayey kusoo noqon jireen haddii ay doorashadu ku guuleysan waayaan. Sidaana waxaa looga gol lahaa in shaqaalaha dawladda iyo CQS ay ahaayeen kuwa ugu mutacallimsan oo tayada shuruucda iyo nidaamka sharcidejintaba usoo jiidi kara horumar wax-ku-ool ah, xilalka kale ee xildhibaannimada, oo ay ka mid yihiin la-xisaabtanka xukuumadda iyo mattalaadda shacbigana karti u leh.

  3. Arinta kale ee wax-ka-beddelka sharcigan saameeyey waxaa ka mid ahaa iyo curaarti lacagta ee liiska musharrixiinta xisbiga laga qaadi jiray oo horaan ahayd Sh. So. 1.000/- oo la kordhiyey oo laga dhigay Sh.So. 5.000/- – curaartan oo aan loo celinayn xisbigii kursi heli waaya.

Dalka waxaa joqogaraafi ahaan loo qaybiyey 48 degaan-doorasho, oo degmo walba waxaa laga dhigay hal degaan-doorasho. Shan (5) degmo, oo ka mid yihiin Aadan Yabaal, Bender Beyla, Buur Hakaba, Jariiba iyo Zeylac lagama codeyn oo liiskii Musharixiinta SYL keligeed ayaa la qabtay waxaan loo yiqiin “Lista Unica” ama liiska xisbiga keliya musharrixiintiisu ansaxa ah oo codeyn la’aan ku qaatay xisbiga SYL.

Dhacdooyinka kale oo xusid mudan waxaa ka mid ah, sida warbixinta rasmiga ah ay dawladdu sheegtay, waxyeellada cunfigu geystay waxaa ka mid ahaa, in doorashooyinka xilligan ay ku geeriyoodeen dad gaaray 25 qof. Degmooyinka xasillonidarrada iyo cunfigu ku badnaa waxaa ka mid ah Caluula, Iskushuban, Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Marka Luuq-Ganaane iyo kuwo kale.

Natiijada Doorashooyinka Golaha Sharcidejinta Qaranka ee 26 Maarso, 1969.

Xilligii doorashooyinka 1969 waxaa codeeyey dadweyne tiradiisu gaartay 879.554. Haddii tirdan la barbardhigo tirada dadweynihii ka qaybgalay codeynta doorashooyinkii Golayaasha Maamullada Dawladaha Hoose ee 1963 oo ahayd in ka badan 1.300.000 ama aan barbardhigno doorashooyinkii 1964 oo ahaa 913.069 waxaa si marag madoonta ah u muuqanaysa in xilliga 1969 hoos u dhac weyn ka jiray dadweynihii ka qaybgalka codeynta doorashooyinkan.

Natiijada doorashooyinka Golaha Sharcidejinta oo muddada xilhayntiisu tahay shan (5) sano waxaa la soo bandhigay 7-da Abriil 1969, waxaana ku dhawaaqay Guddoomiyaha Xafiiska Dhexe ee Doorashooyinka Garsoore G. Marotta-Gigli, oo waagaas ahaa Garsooraha Guddoomiye u aha Maxkamadda Racfaanka Soomaaliya. Waxayna axsaabta siyaasadeed kuraasta u kala heleen sidan:

Wadarta Codadka: 879.554

Tirada Codadka xumaaday: 97.320

Wadarta Codadka ansaxay: 782.234

Magaca Xisbiga

Tirada Codadka Xisbigu helay

U dhigan boqolkiiba %

Tirada Kuraasta (123)

Xisbiga Somali Youth League (SYL)

260,046

33.24%

73

Xisbiga Somali National Congress (SNC)

77,339

9.89%

11

Xisbiga Somali Independent Constitutional Party (HDMS)

27,681

3.54%

8

Xisbiga Somali African National Union (SANU)

42,006

5.37%

6

Xisbiga Liberal Somali Youth Party (PLGS)

25,639

3.28%

3

Xisbiga Somali Democratic Union (SDU)

46,064

5.89%

2

Xisbiga Popular Movement for Democratic Action (PMDA)

42,629

5.45%

2

Xisbiga Somali Socialist Party (PSS)

31,058

3.97%

2

Xisbiga Somali People’s Movement Party (PMPS)

8,531

1.09%

2

Xisbiga Revolutionary Socialist Workers’ Party (PRSO)

16,742

2.14%

1

Xisbiga Somali National Solidarity Party (PSNS)

12,269

1.57%

1

Xisbiga United Somali Party (USP)

13,942

1.78%

–

Isugeynta codadka axsabta kale heleen

178,288

22.79%

12

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/11/Qeybta-6aad.mp3

La Soco Qeybta 7aad Insha Allah

Previous Post

Shirka Ganacsiga ee Turkey iyo wadamada Qaaradda Africa oo ka furmay  Istanbul+Sawirro

Next Post

Soomaaliya oo Ka qeybgashay shirka horumarinta ganacsiga Afrika iyo Malesiya+Sawirro

Next Post
Soomaaliya oo Ka qeybgashay shirka horumarinta ganacsiga Afrika iyo Malesiya+Sawirro

Soomaaliya oo Ka qeybgashay shirka horumarinta ganacsiga Afrika iyo Malesiya+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In