Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959kii-2012 “Qeybta 1aad” …AKHRISO+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 30, 2016
in Maqaallo, Wararka, Xulashada
0
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959kii-2012 “Qeybta 1aad” …AKHRISO+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan idiin bilaabi doonaa baahinta qoraalka Taxanaha Taariikhda doorashooyinka Soomaaliya laga soo bilaabo 1959kii – 2012 kaasi oo hada laga sii daayo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) iyo Radio Muqdisho.

Taxanaha Shuruucda Doorashooyinka Golayaasha Sharcidejinta iyo Madaxweynayaalka ay Jamhuuriyadda Soomaaliya soo yeelatay taniyo 1959 – 2012

  1. Koofurta Soomaaliya โ€“ Maamulkii Wasiyadda/Dardaarankii Qaruumaha Midoobay u igmatay Dawladda Taliyaaniga Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (AFIS)

Doorashada Golaha Sharcidejinta Bishii Maarso 8-da 1959 (Assemblea Legislativa – Legislative Assembly)– 8-da Maarso, 1959 waxaa doorashooyinkii xubnaha Golaha Sharcidejinta loo qabtay dalka Soomaaliyeed ee markaas lagu maamulayey Wasiyadda/Dardaarankii Qarumaha Midoobay u igmatay Dawladda Taliyaaniga, maamulkaas oo loo yiqiin โ€œAmministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (AFIS). Doorashooyinka waxaa lagu maamulay Sharciga Doorashooyinkaa Lam. 26 ee 12ka Diseembar 1958, Laguna faafiyey Faafinta Rasmiga ee Soomaaliya (Bollettino ufficiale della Somalia) lasoo saaray 12 Diseember 1958.

Arrimaha ugu muhiimsan oo uu xeeriyey sharciga Doorashooyinka Lam. 26 ee 12ka Diseembar 1958, waxaa ka mid ah:

  1. In 90 xildhibaan ee xubnaha Golaha Sharcidejinta lagu soo doortay mabdaโ€™a doorashada oo ragga iyo haweenkuba xaq u leeyihiin una siman yihiin codeynta ee loo yaqaano universal suffrage, waxaana lagu meelmariyey nidaamka qofkiiba-hal-cod, (one-man-one-vote system). Codeyntu waxay ahayd mid xor ah, toos ah oo qarsoodi ah (Qodobka 1-aad).

  2. Dhammaan muwaadiniinta Soomaliya, oo rag iyo haweenba leh, oo sanadka codeynta la qabanayo ay daโ€™doodu gaartay 18 jir waxay xaq u leeyihiin inay codeeyaan, waxaase shardi ahaa in miyirkoodu u dhan yahay, oo xukun maxkamadeed ku dhacay awgeed aan xabsi ugu jirin ama laga mamnuucin ka shaqaynta xafiisyada dawladda โ€œinterdizioneโ€ – (Qodobka 9-aad).

  3. Muwaadiniinta buuxiyey shuruudaha codbixiyenimada kor ku xusan, oo sanadka doorashada la qabanayo daโ€™dooda gaartay 25 jir, kartina u leh wax-akhrinta iyo qorista luqadaha Carabiga iyo/ama taliyaaniga, waxay xaq u leeyihiin in loo dooran karo xildhibaannimada Golaha Sharcidejinta, aan ka ahayn oo ka reeban xubnaha Laanta Garsoorka, xubnaha Ciidammada Qalabka Sida, Ciidammo-u-yaalka (Para-Militare), Guddoomiyeyaasha Gobollada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo ku-xigeennadooda (Qodobbada 11-aad iyo 12-aad).

  4. Habka lagu soo doortay xildhibaanada wuxuu ahaa nidaamka codadka ansaxa noqday oo loo qaybiyo tirada kuraasta loo qoondeeyey degaandoorashada degmada iyo tirada ugu sareysa (ugu badan) ee soo harta oo lasii qaybiyo (system of proportional representation – on the basis of the quotient and the highest remainder) โ€“ (Qodobka 3-aad.

Natiijada Doorashada waxay noqotay:

Gobollada Koofurta Dalka Soomaaliya (AFIS) โ€“ Doorashadii xubnaha Golaha Sharcidejinta ee la qabtay 8-dii Maarso 1959-

Wadarta Codadka Ansaxay: 313,760–

Waxayna axsaabta ugu kala guuleysteen sidan:

Magaca Xisbiga

Tirada Codadka uu helay

Oo u dhigan Boqolkiiba

%

Tirada kuraasta uu helay (90)

Xisbiga Somali Youth League (SYL)

237,134

75.58%

83

Xisbiga Somali Independent Constitutional Party (HDMS)

40,857

13.02%

5

Xisbiga Liberal Somali Youth Party (PLGS)

35,769

11.40%

2

–Fiiro Gaar ah: (a) Waxaa ka qaybgalka doorashooyinka qaadacay axsaabta siyaasadeed ee kala ah Xisbiga Greater Somali League (GSL) iyo xisbiga the Somali Independent Constitutional Party (HDMS). (b) Golaha wuxuu GuddoomiyBaarlamaanka u doortay M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan

  1. Woqooyiya Soomaaliya – โ€œBritish Somaliland Protectorateโ€

Doorashada Golaha Sharcidejinta Dalka Soomaaliyed ee ku jiray Maxmiyadda Britishka – 17 Febraayo 1960

(the Legislative Council of the British Somaliland Protectorate).

Doorashooyinka xildhibaanada Golaha Sharcidejinta waxa lagu maamulay Sharciga doorashooyinka Lam. 9 ee 1958 iyo wax-ka-beddelkii Goluhu ku sameeyey sharciga doorashooyinka Lam. 8 ee 1959).

Arrimaha ugu muhiimsan ee lagu xeeriyey Sharcigan Doorashooyinka waxaa ka mid ahaa:

Nidaamka Doorashada: Soddon iyo saddaxda (33) xubnood ee Golaha Sharcidejinta waxaa lagu soo doortay nidaamka doorashooyinka oo raga keliya xaq u leeyihiin cod-dhiibashada oo haweenku ka reeban yihiin. Waxaa wax dooran karay oo keliya dadka ku jira maxmiyadda Britishka ama ah muwaaddin haysta jinsiyadda Britishka, oo 21-jir ah ama ka daโ€™ weyn, kana mid ah dadka caadi ahaan u deggan degaandoorashooyinka. Dadka sidaa ku sifooba oo keliya ayaa loo diiwaangelin karay in ay noqdaan codbixiyeyaal โ€“ Qodobka 10-aad. Qof kasta oo galay gaboodfallo dambi ah oo la xiriira doorashooyinka, ama lagu xukumay dil ama xabsi, ama dhimirkiisu wax u dhiman yahay, xaq uma laha in loo diiwaangeliyo codbixyenimada doorashooyinka โ€“ (Qodobka 11-aad).

  1. Shuruudaha Musharixiinta Golaha: Sida ku xusan Qodobka 18-aad ee sharcigan, Xubinnimada Golaha waxaa u tartami karay qofkii leh dakhli bileed aan ka yarayn Shs. 300 (saddaxboqol Shilin Soomaali), ama waa inuu yahay milkiile qof ahaan u leh 10 (toban) neef geel ah, ama 10 (toban) neef loโ€™ ah ama 100 (boqol) neef ido ah ama ari oo aan cid kale la wadaagin. Waxaa intaa dheer oo shardi ahaa in qofka laga soo dooranaya degmooyinka heerka โ€˜Aโ€™ – waxaa laga soo dooran kara keliya qofkii karti u leh qorista, akhrinta iyo ku hadlidda luqadaha Ingiriisiga iyo ama Carbiga.

  2. Si waafaqsan Qodobka 19-aad ee sharcigan qofkii looga reebay in aan loo dooran karin jagooyinka laysu doorto, ama looga reebay xubinnimada Golaha Sharcidejinta ama sideedaba ka reeban in jago loo doorto, gaboodfallo la xiriira nidaam kastoo doorashooyinka ku saabsan awgeed ama la xiriira gaboodfal uu u geystay habsami u socodka doorashooyinka Golaha Sharcidejinta xaq uma laha in loo doorto xubinnimada Golaha Sharcidejinta.

Natiijada Doorashada: Soddon iyo saddaxda (33) kursi Axzaabta Siyaasadeed ee u tartamayay waxay u kala heleen sida soo socota:

Waqooyiga Dalka Soomaaliya Doorashadii Xubnaha Golaha Sharci-dejinta ee la qabtay 17-kii Febraayo 1960 (British Somaliland Legislative Council)

Wadarta Codadka Ansaxay: 81,366–

Waxayna axsaabta ugu kala guuleysteen sidan:

Magaca Xisbiga

Tirada Codadka uu helay

U dhigan Boqolkiiba %

Tirada Kuraasta (33)

Xisbiga Somali National League (SNL)

42,395

52.10%

20

Xisbiga United Somali Party (USP)

13,350

16.41%

12

Xisbiga National United Front (NUF)

20,249

24.89%

1

Xisbiga Somali Youth League (SYL)

4,626

5.69%

–

Isugeynta codadka axsaabta kale heleen

746

0.92%

–

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/10/Qeybta-1aad.mp3

 

La soco Qeybta 2aad Sabtida Insha Allah

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo kulan la qaatay ku-xigeenka madaxa USAID iyo Danjiraha Mareykanka+Sawirro

Next Post

Warbixin ka hadlaysa daruufaha noolaleed ee haysta derbajiifta magaalada Baydhabo “Dhageyso”

Next Post
Diiwaan galinta Musharaxiinta kuraasta aqalka hoose oo Baydhabo ka bilaabanaysa

Warbixin ka hadlaysa daruufaha noolaleed ee haysta derbajiifta magaalada Baydhabo "Dhageyso"

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In