Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Madaxweyne adiga iyo wafdiga kula socda markale ku soo dhawaada Soomaaliya” DAAWO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Recep Tayyip Erdoğan ayaa si wadajir ah xariga uga jaray Terminal-ka cusub ee ay dowladda Turkiga ka hirgelisay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo loo dhisay si carsi ah.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tilmaamay in ay farxad u tahay booqashada markiisa labaad uu ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana uu intaa ku daray in uu indhihiisa ku arkay horumar balaaran oo ay dowladdu ku talaabsatay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan idinkala qeyb galo furitaanka Terminal-kan cusub, waxaana rajeyneynayaa in Terminal-kan uu ku soo kordhiyo Soomaaliya wax badan”ayu yiri Recep Tayyip Erdoğan

Madaxweynaha Turkiga ayaa uga mahadceliyay shirkadda dhistay Terminalka cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhigiisa Turkiga uga mahadceliyay booqashada isaga iyo wafdiga la socda ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho, waxaana Madaxweynuhu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal u hayaan shacabka iyo dowladda Turkiga oo gurmad dhinac waliba leh u fidiyay.

“Madaxweynaha Turkiga waxaan leeyahay ku soo dhawaaw dalkaaga hooyo ee labaad ee Soomaaliya, maantana taariikh cusub ayay noo tahay, booqashadaadii hore iyo tan maanta farqi weyn ayaa u dhexeysa, Horumarka ka muuqda dalka qeyb lixaad leh ayaad ku leedahay adiga iyo shacabka Turkiga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray “Terminal-ka waxa uu wax ka badalay muuqaalka Soomaaliya, tan kale mashaariic kale ee aad dalka ka hirgeliseen muuqaal cusub ayay Soomaaliya ka abuurtay, markale ku soo dhawaada adiga iyo Wafdiga kula socda Soomaaliya”

DAAWO

Previous Post

Madaxweynaha Turkiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde

Next Post

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo booqashada Madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay mid taariihi u ah shacabka

Next Post
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo booqashada Madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay mid taariihi u ah shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In