Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tirooyinka Khawaarijta isku soo dhiibaya dowladda oo sii kordhaya (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 27, 2022
in Wararka
0
Tirooyinka Khawaarijta isku soo dhiibaya dowladda oo sii kordhaya (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tan iyo intii dagaalka adag lagu qaaday Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab, meel kastana lagu jabiyay ayaa waxaa soo kordhay maalinta maalinta ka dambeysa Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Kooxdaasi, iyagoo u adkeysan waayay weerarada joogtada ah iyo duqeymaha meel kasta lagula beegsanaayo, kadib ayay goosteen inay isa soo dhiibaan, gacanta Dowladdana soo galaan.

Balse waxaa xusid mudan in xabsiga loo taxaabay odayaal dhaqameed aaday kooxda Khawaarijta ah, si ay ula macaamilaan, kalana hadlaan arrimo quseeya beelaha ay ka soo jeedaan, taasi oo ka hor imaaneysa amarka Madaxweynaha JFS ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxdaasi, waxayna Ciidamada Ammaanka Galmudug ay xabsiga dhigeen odayaal dhawaan Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada Khawaarijtu haysato ee Degmada Xarardheere oo ka tirsan Gobolka Galmudug.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Odoyaashaasi ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, kaasi oo sheegay in odayaasha maanta hadlay ay yihiin dambiilayaal lagana qaadi doono tallaabo.

Sidoo kale, waxaa xariga Odoyaashaasi ka hadlay Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar ( Jaamici), ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in odayaashan la xiray loona gudbiyay magaalada Dhuusamareeb, si sharciga loo marsiiyo, wuxuuna sii raaciyay “ Cidna lagama aqbalaayo in Khawaarijta la macaamisho,”, waxaana jirta in Dowladda Federaalka ay horay amar ugu bixisay inaan lala macaamili karin kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo hadda gabalkooda sii dhacayo.

Dhinaca kale waxaa sii laba kacaaya iso soo dhiibidda gacanta Dowladda ay isu soo dhiibayaan Maleeshiyaad ka tirsanaa Kooxda Argagixsada ah ee Khawaarijta gacanta Dowladda, arrintaan iyada ah waxaa ka dhashay in ay tiro dhallinyaro ah ka soo baxaan kooxdan kadib markii ay arkeen in aysan diin aheyn waxa ay ka shaqeenayaan, dadka shacabka ay leynayaan iyo sida ay u burburinayaan hantida iyo guryaha dadka masaakiinta ah, kaas oo jab weyn ku noqday kooxda Khawaarijta ah.

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Dowladda ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, Xubnahaasi khawaarijta ee isu soo dhiibay ciidanka waxaa kamid ahaa Maxamed C/Laahi Xasan bataati , Nur Xaamud Sheekh Eybakar, C/Raxmaan jiinoow Dheere, Maxamed Cismaan iyo Maxamed Cali Xuseen, iyadoo dhowrkaasi qof ee isu soo dhiibay ciidanka ay sheegeen in ay u qaabilsanaayeen Habka qadidda badda ee loo yaqaanno sakawaatka beeraha, heshiisiinta dadka iyo farsameynta baabuurta, waxaana Sarkaal ka mid ah ciidanka uu sheegay in dadkaasi ay ku yimadeen rabitaankooda,wuxuuna ka dalbaday dadka ku maqan gacanta khawaarijta in ay ku soo biiraan shacabka walaalahooda ah.

Waxaa kaloo jira Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Khawaarijta Al-shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qaranka iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan degaanka Furqaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana goob jog ka ahaa goobta lagu soo bandhigay Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisow, saraakiil ciidan iyo agaasimaha waaxda canshuuraha ee wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Nuur Macalin Abuukar Calasow ayaa kamid ahaa Khawaarijta Al-shabaab isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Furqaan ee hoosyimaada Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada dhexe, iuyadoo Goobta lagu soo bandhigayey Khawaarijkan waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi,Agaasimaha Waaxda Canshuuraha ee Wasaarada Maaliyadda Muxudiin Xasan Juris,Taliyaha Guutada 17aad ee Gorgor Dayax Cabdi Cabdullaahi,Taliyaha Booliska Hiirshabelle Xasan Dhicisow,Jeneraal Ibraahin Yuusuf iyo Masuuliyiin Kale.

Nuur oo muddo ka tirsaanaa Kooxdaan, ayaa loo soo gudbiyey Magaalada Muqdisho.waxaana muddooyinkaan dambe soo badanaayay inay koox Dhallinyaraddii ay khaldeen Khawaarijta waqtigooda dhammaaday oo iskaga soo tagaya meelaha yar ee ku dhuumaalaysanayaan.

Haddaba waxaa jirta fursad wali u harsan dhallinyarada wali ku harsan gacanta Kooxda Khawaarijta ah, inay ka faaideystaan fursadaan, waxaana jiri doonta mar aan laga aqbali doonin, ee war hooy inata uusan dabrbiga dumaayaa ku waxyeeleyn ka soo tag kooxdaasi oo ka faaideyso fursadaan dahabiga ah.

Previous Post

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo galay maalintii labaad.

Next Post

Ukraine oo diyaar u ah shir nabadeed, xilli Ruushku uu soo saaray hanjabaad

Next Post
Ukraine oo diyaar u ah shir nabadeed, xilli Ruushku uu soo saaray hanjabaad

Ukraine oo diyaar u ah shir nabadeed, xilli Ruushku uu soo saaray hanjabaad

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In