Todobaadkii ugu dambeeyay bisha barakeysan ee ramadaan iyo maalmahii farxadda ciidda lagu jiray ayaa dalka Koofur Africa lagu dilay ilaa 7 ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo ku kala noolaa gobollada Eastern Cape iyo Western Cape .
Muwaadiniintaan ayaa waxaa ay dilalkooda u kala dhaceen qaabab kala duwan waxaana lagu weeraray goobahooda ganacsiga oo ku yaala xaafadaha halista badan ee gobolladaasi.
Saddax ka mid ah Muwaadiniintaan waxaa lagu dilay gobolka Eastern Cape ayada oo labo ka mid ah hal goobo lagu wada dilay, kooxahii falkaas geystayna ayaa baxsaday, ayada oo aan wax dhac ah loo geysan goobaha ganacsiga oo ay lahaayeen muwaadiniinta la dilay.
Afar kale oo Soomaali ah ayaa sidoo kale lagu dilay magaalada Cape Town xaafado hoos yimaada halka labo ka mid ah la dilay habeen qura xilli ay kasoo laabteen damaashaadka farxadda ciidda ayaga oo ku sugan goobtooda ganacsiga, kooxdii dilkaan geystay ayaa ka baxsadeen goobta uu falka ka dhacay sida uu Radio Muqdisho u sheegay Muxdiiin Jaguula oo shirko la ahaa mid ka mid ah ganacsatada geeriyootay.
“Alle ha u naxariiisto walaalkeey Xalay ayaa la dilay kooxda dishay ee burcadda ahna waxaa ay ku sugayeen banaanka kore ee goobtiiisa ganacsiga marka uu soo baxay oo uu doonayay in uu xaafadiiisa aado ayaa ay xabadda ku dhufteen dhaawac ahaan ayaa loo qaaday lakiin nasiib daro ispitaalka uu ku geeriyooday” ayuu yiri Muxdiiin Jaguula.
C/laahi Maxamuud Muudeey iyo Xasan Jimcaale Hadaafow oo ahaa muwaadiiinta geeriyootay ayaa maalintii ciidda la qaatay farxad iyo damaashaadka reerkoooda iyo asxaabta qaar oo joogay magaalada Cape town sida uu Radi Muqdisho u sheegay macalin Maslax Xasan Ali oo ehel la ahaa Marxuum C/laahi Muudeey .
“C/laahi Farxad ciida magaalada ayuu kula qaatay ehelkiiisa galabtii casarkii ayuu ka tagay waxaa uu ku dhahay dukaanka ayaan aadaya si dhalinyarada shaqeyneysa aan usoo caawiyo ilaa xalay saddaxdii ayuu la joogay xaaskiisa ayaa wacday waxaa uu ku dhahay hadaan soo baxayaa oo dukaanka la xerayaa daqiiqo kadibna amarka ayaaba ku dhacay” Sidaa waxaa yiri Muxdiiin Jaguula.
Cali Calasow Jimcaale oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Soomaalida ee ku nool Magaalada Cape Town kana qeybgalay aaska qaar ka mid ah muwaadiniinta geeriyootay ayaa sheegay in loo baahan yahay badbaado loo sameeyo dhalinyarada Soomaalida ee lagu dilayo dalka Koofur Africa.
“Waxaa ay ila tahay in Badbaado loo baahan yahay hadii la raadiyo kama dareyso in dadaal la sameeyo ugu yaraan waa ay yaraan karaan xalna waa loo heli karaa lakiiin mar walba qofka tiiisa qoran tahay wuu dhimanaya dilka wax dalka oo dhan ka jira waaye” ayuu yiri Cali Calasow Jimcaale.
Meydka labo muwaadiniin Soomaali ah pp ayagana la soo dilay ayaa yaala ispitaala magaalada Cape town Waxaana la sugayaa in loo helo sharciyo lagu aaso maadaama aysan wax sharci ah ku laheyn dalka South Africa waana arintaasi kaalin ka geysaneysa safaaradda Soomaaliya ee dalka South Sfrica sida uu Radio Muqdisho u sheegay C/laahi Cali Xasan oo ah u qeybsana safaarada Magaalada Cape Town .
“Safaarada Dadaal ayey ku jirtaa dadka waa ay ka warqabtaa hadba intii karaankeeda ah,inta hada meydkooda la haayo oo labo ah sharcina loo heysto waxaan kala xaajooneynaa qeybaha ay quseyso hadey noqon laheyd qolada ispitaalka,dowlada South Africa,iyo Jaaliyada Intaba” Sidaa waxaa yiri C/laahi Cali Xasan.
Tirada guud ee Soomaalida lagu dilay dalka South Afrika todobaadkii la soo dhaafay ayaa noqoneysa Toddobo ruux ayadoo ay jiraan dad kale oo dhaawacyo loo geystay, waxaana dilalkaan ku soo beegmayaan ayada oo dalka Koofur Africa la galay xilligii qaboobaha markaasoo ay kordhaan weerarada kooxaha burcada ah ay geysanayaan.