Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Todobo Soomaali ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay dalka South Africa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka South Africa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Todobaadkii ugu dambeeyay bisha barakeysan ee ramadaan iyo maalmahii farxadda ciidda lagu jiray ayaa dalka Koofur Africa lagu dilay ilaa 7 ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo ku kala noolaa gobollada Eastern Cape iyo Western Cape .

Muwaadiniintaan ayaa waxaa ay dilalkooda u kala dhaceen qaabab kala duwan waxaana lagu weeraray goobahooda ganacsiga oo ku yaala xaafadaha halista badan ee gobolladaasi.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026

Saddax ka mid ah Muwaadiniintaan waxaa lagu dilay gobolka Eastern Cape ayada oo labo ka mid ah hal goobo lagu wada dilay, kooxahii falkaas geystayna ayaa baxsaday,  ayada oo aan wax dhac ah loo geysan goobaha ganacsiga oo ay lahaayeen muwaadiniinta la dilay.

Afar kale oo Soomaali ah ayaa sidoo kale  lagu dilay magaalada Cape Town xaafado hoos yimaada halka labo ka mid ah  la dilay habeen qura xilli ay kasoo laabteen damaashaadka farxadda ciidda ayaga oo ku sugan goobtooda ganacsiga, kooxdii dilkaan geystay ayaa ka baxsadeen goobta uu falka ka dhacay sida uu Radio Muqdisho u sheegay Muxdiiin Jaguula oo shirko la ahaa mid ka mid ah ganacsatada geeriyootay.

“Alle ha u naxariiisto walaalkeey Xalay ayaa la dilay kooxda dishay ee burcadda ahna waxaa ay ku sugayeen banaanka kore ee goobtiiisa ganacsiga marka uu soo baxay oo uu doonayay in uu xaafadiiisa aado ayaa ay xabadda ku dhufteen dhaawac ahaan ayaa loo qaaday lakiin nasiib daro ispitaalka uu ku geeriyooday” ayuu yiri Muxdiiin Jaguula.

C/laahi Maxamuud Muudeey iyo  Xasan Jimcaale Hadaafow oo ahaa muwaadiiinta geeriyootay ayaa maalintii ciidda la qaatay farxad iyo damaashaadka  reerkoooda iyo asxaabta qaar oo joogay magaalada Cape town  sida uu Radi Muqdisho u sheegay macalin Maslax Xasan Ali oo ehel la ahaa Marxuum C/laahi Muudeey .

“C/laahi Farxad ciida magaalada ayuu kula qaatay ehelkiiisa galabtii casarkii ayuu ka tagay waxaa uu ku dhahay dukaanka ayaan aadaya si dhalinyarada shaqeyneysa aan usoo caawiyo ilaa xalay saddaxdii ayuu la joogay xaaskiisa ayaa wacday waxaa uu ku dhahay hadaan soo baxayaa oo dukaanka la xerayaa   daqiiqo kadibna amarka ayaaba ku dhacay” Sidaa waxaa yiri Muxdiiin Jaguula.

Cali Calasow Jimcaale oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Soomaalida ee ku nool Magaalada Cape Town kana qeybgalay aaska qaar ka mid ah muwaadiniinta geeriyootay ayaa sheegay in loo baahan yahay badbaado loo sameeyo dhalinyarada Soomaalida ee lagu dilayo dalka Koofur Africa.

“Waxaa ay ila tahay in Badbaado loo baahan yahay hadii la raadiyo kama dareyso in dadaal la sameeyo ugu yaraan waa ay yaraan karaan xalna waa loo heli karaa lakiiin mar walba qofka tiiisa qoran tahay wuu dhimanaya dilka wax dalka oo dhan ka jira waaye” ayuu yiri Cali Calasow Jimcaale.

Meydka labo muwaadiniin Soomaali ah pp ayagana la soo dilay ayaa yaala ispitaala magaalada Cape town Waxaana la sugayaa in loo helo sharciyo lagu aaso maadaama aysan wax sharci ah ku laheyn dalka South Africa waana arintaasi kaalin ka geysaneysa safaaradda Soomaaliya ee dalka South Sfrica sida uu Radio Muqdisho u sheegay C/laahi Cali Xasan oo ah u qeybsana safaarada Magaalada Cape Town .

“Safaarada Dadaal ayey ku jirtaa dadka waa ay ka warqabtaa hadba intii karaankeeda ah,inta hada meydkooda la haayo oo labo ah sharcina loo heysto waxaan kala xaajooneynaa qeybaha ay quseyso hadey noqon laheyd qolada ispitaalka,dowlada South Africa,iyo Jaaliyada Intaba” Sidaa waxaa yiri C/laahi Cali Xasan.

Tirada guud ee Soomaalida lagu dilay dalka South Afrika todobaadkii la soo dhaafay ayaa  noqoneysa Toddobo ruux ayadoo ay jiraan dad kale oo dhaawacyo loo geystay,  waxaana dilalkaan ku soo beegmayaan ayada oo dalka Koofur Africa la galay xilligii qaboobaha markaasoo ay kordhaan weerarada kooxaha burcada ah ay geysanayaan.

Previous Post

Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday goob ay ku cibaadeysanayeen dad Shiico ah+Sawirro

Next Post

Qoysas danyar ah oo raashin gargaar ah loogu qeybiyay degmada Afgooye+Sawirro

Next Post
Qoysas danyar ah oo raashin gargaar ah loogu qeybiyay degmada Afgooye+Sawirro

Qoysas danyar ah oo raashin gargaar ah loogu qeybiyay degmada Afgooye+Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In