Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkida oo u dareeray doorashada madaxtinimada wareegada labaaad

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 28, 2023
in Wararka
0
Turkida oo u dareeray doorashada madaxtinimada wareegada labaaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Codbixiyayaasha Turkiga ayaa saakay u dareeray goobaha codbixinta, iyagoo dooran doona Madaxweynaha dalkaas xukumi doona shanta sano ee soo socota, kadib markii doorashadii 14-kii May la waayay musharrax gaara codadka lagu guulaysan karo.

Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa loolan adag kala kulmaya Kemal Kilicdaroglu oo ah musharraxa ay wataan mucaaradka, kaasoo wareeggii 1-aad helay 44.9% codadkii la dhiibtay, halka Erdogan uu helay 49.5%.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Sinan Ogan oo kaalinta 3-aad galay, isla markaana helay 5.2% codadkii la dhiibtay ayaa toddobaadkii tagay taageeray madaxweyne Erdogan, taasoo sare u qaadday rejada uu kaga guulaysan karo mucaaradkiisa.

Erdogan oo muddo 20 sano ah ka talinayay dalkaas ayaa rejaynaya in uu noqdo hoggaamiyaha ugu muddada dheer Turkiga casriga ah.

In ka badan 64 milyan oo Turki ah ayaa u diiwaangashan doorashada inay codkooda ka dhiibtaan, waxaana kamid ah 6 milyan oo markii ugu horreysay codeeyey 14-kii May, iyadoo sidoo kale jira 3.4 milyan Turki ah oo 20-24 kii May codadkooda ka dhiibtay dibedda.

Goobaha codbixinta oo la furay goor-dhow ayaa soo xirmi doona ilaa 5-ta galabnimo marka la gaaro.

Previous Post

Xildhibaanno katirsan BJFS oo ka qeybgalay kulanka labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika

Next Post

HISTORIC AGREEMENT SIGNED FOR PRESIDENTIAL PHD. SCHOLARSHIP IN SOMALIA

Next Post
HISTORIC AGREEMENT SIGNED FOR PRESIDENTIAL PHD. SCHOLARSHIP IN SOMALIA

HISTORIC AGREEMENT SIGNED FOR PRESIDENTIAL PHD. SCHOLARSHIP IN SOMALIA

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In