Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo Cudurka COVID-19 ku Soo Rogaal Celiyay

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo Cudurka COVID-19 ku Soo Rogaal Celiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Turkiga ayaa wajahaya labo kacleyn cusub ee safmarka COVID-19 ah, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Fahrettin Koca, iyadoo dowladdu soo rogtay xayiraado hor leh oo lagu xakameynayo cudurka sida xafladaha aroosyada iyo goobaha kale ee bulshada isugu timaado.

Wasaaradda caafimaadka ayaa arbacadii sheegtay in kiisaska cusub ay gaarayaan 1,596, iyadoo 45 qof ay u dhinteen safmarka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Koca ayaa saxaafadda la hadlay ka dib markii uu soo dhammaaday kulan uu kula lahaa magaalada Ankara koox dhakhaatiir ah, waxaa uu sheegay in tirada cudurka si deg deg ah u kordhayso.

“Waxaa na heysata iminka wajigii labaad ee safmarka COVID-19. Taxadir la’aanta xafladaha aroosyada, goobaha cibaadada ayaana sabab u ah halka aan maanta joogno,” Koca ayaa sidaa yiri, laakiin waxaa uu intaas raaciyay in xukuumadda xilligan qorshaha ugu jirin in ay soo rogto xayiraad cusub.

Hadalka wasiir Koca, ka dib xukuumadda ayaa soo saartay xayiraad lagu xadidayo tirada dadka ka qeybgalaya xafladaha aroosyada, joojinta meelaha laga cunteeyo iyo meelaha kale ee dadweynaha isugu yimaadaan.

“Feyraska wuxuu ku faafayaa dad badan maalin kasta, baaritaanka caafimaad waan kordhinaynaa maalin kasta, tirada dadka laga heleyana ma yaraaneyso,” wasiirka Koca ayaa yiri, isagoo sidoo kale sheegay in 29,865  howlwadeenada wasaaradda caafimaadka kamid ah laga heley xanuunka, 52 oo kalena waa ay u geeriyoodeen.

Dhakhaatiirta iyo ururada caafimaadka Turkiga ayaa sheegaya in isbitaalada buux dhaafeen. Iyadoo maayarada magaalooyinka Istanbul iyo Ankara xukuumadda ku dhaliileen in ay hoos u dhigayso saameynta safmarka COVID-19.

Ururka dhakhaatiirta Turkiga ayaa bishii hore sheegay in qalabka baaritaanka uu ka badan yahay 10 jeer dadka uu soo ritay cudurka, sida ay tibaaxayso xogta rasmiga ah.

Wasiirka caafimaadka ayaa taageerey xogta rasmiga ah ee cudurk wuxuuna dadweynaha ugu baaqay in ay taxadir dheeraad ah la yimaadaan.

Tirada dhimashada cudurka COVID-19 ee Turkiga ayaa meesha ugu sareysay waxay gaartay bartamihii bishii May, iyadoo kiisaska cusub ee cudurkay kordheen bartamihii bishii Juun, waxayna dowladda khafiifisay xayiraadka dhammaadka iska bishaas.

Kiisaska COVID-19 ee Turkiga ayaa hadda maraya 273,301, sida wasaaradda caafimaadku sheegtay halka dhimashada ay tahay 6,462.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee radio Muqdisho 03-09-2020

Next Post

Maxaabiis Taliban ah oo loo Wareejinayo dalka Qatar

Next Post
Maxaabiis Taliban ah oo loo Wareejinayo dalka Qatar

Maxaabiis Taliban ah oo loo Wareejinayo dalka Qatar

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In