Saturday, August 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo digniin u direy janaraal Khalifa Xaftar

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo digniin u direy  janaraal Khalifa Xaftar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in weerar kasta oo ay ku soo qaadaan maleeshiyaadka beriga Libya ee uu hogaamiyo janaraalka falaagada ah ee Khalifa Xaftar ciidkooda ku sugan waqooyiga ay la kulmi doonaan awood adag.

“Dambiilaha dagaal, dilaaga Xaftar iyo taageeriyaashiisa waa in ay ogaadaan in ay la kulmi doonaan awoodda sharciga haddii ay beegsadaan ciidanka Turkiga, Hulusi Akar ayaa hadalkan u sheegay cutub ka tirsan ciidankooda oo ku sugan caasimadda Libya ee Tripoli xilli uu halkaas ku tagay safar aan horey loo sheegin.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

Hadalka wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar ayaa imaanaya xilli ciidanka la baxay Libyan National Army ee uu hogaamiyo Xaftar ay isu diyaarinayaan in ay weeraraan ciidanka Turkiga ee taageerada u fidiya dowladda QM aqoonsan tahay ee Libya ee loo yaqaano xukuumadda heshiis qaran.

“Haddii talaabo noocaas ah qaadaan ma awoodi doonaan meel ay nagaga baxsadaan,” Akar ayaa sidaa yiri.

Taageerada Turkiga u fidiyay xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa keentay in ay iska caabiyaan duulaan 14 bilood socday oo xoogaga Janaraal Xaftar ku soo qaadeen caasimadda Libya, iyadoo Xaftar ay taageero siinayeen dalalka; Imaaraadka Carabta, Masar iyo Russia.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa shalay safar ku tagay magaalada Tripoli iyadoo halkaas kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Libya iyo saraakiisha ciidanka ee Turkiga iyo Libya.

Waxaa uu intaas ku daray in wadahadalada siyaasadda ay aas aas u yihiin xal u helidda dhibaatada Libya.

Janaral Khalifa Xaftar ayaa dhankiisa sheegay in Libya aysan nabad noqon doonin ilaa shisheeyaha laga saaro dalka.

Previous Post

Wasaaradda Shaqada XFS oo hirgelinaysa xarunta Hal abuurka Shaqada iyo Horumarinta Dhallinyarada+Sawirro

Next Post

Shir looga hadlayay iska ilaalinta hadalada naceybka ah inta doorashada lagu jiro iyo ilaalinta Xorriyul qowlka oo Muqdisho ka dhacay/SAWIRO

Next Post
Shir looga hadlayay iska ilaalinta hadalada naceybka ah inta doorashada lagu jiro iyo ilaalinta Xorriyul qowlka oo Muqdisho ka dhacay/SAWIRO

Shir looga hadlayay iska ilaalinta hadalada naceybka ah inta doorashada lagu jiro iyo ilaalinta Xorriyul qowlka oo Muqdisho ka dhacay/SAWIRO

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In