Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Dhallinyarada Milk-way Community Center oo deeq lacageed gaarsiiyay qoysaskii eheladooda ku dhinteen qaraxii Soobe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ururka Dhallinyarada Milk-way Community Center oo deeq lacageed gaarsiiyay qoysaskii eheladooda ku dhinteen qaraxii Soobe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqdan lacagta ah ee ay maanta Ururka Dhallinyarada Milk-way Community Center ay gaarsiiyeen qaar ka mid ah qoysaskii ay eheladooda ku dhinteen qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho ayaa ah kaalmo lacageed oo ay iska soo uruuriyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Norway, oo ay hormuud u ahaayeen Xaawo Geelis Maxamuud iyo Khadiijo Salaad Warsame oo u wakiishay Ururka Dhallinyarada Milk-way Community Center inay gaarsiiyaan dadka loogu tagalay.

9 qoys oo ka mid ah qoysaskii ay eheladooda ku dhiteen qaraxii Soobe ayaa la gaarsiiyay min labo boqol oo doolar, halka labo qoys oo kale oo dhibaateysan la guddoonsiiyay min boqol, iyadoo qoyska lacagta loogu geeyay Hoygooda.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Salaado Xasan Cumar waa Hooyo heysata toban carruur ah oo uu ka dhintay Aabahood oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Buraale) waxa ay ka mahacelisay deeqda lacageed ee la soo gaarsiiyay.

Faadumo Xuseen Cali waxa ay heystaa labo carruur ah, oo ay kula nooleyd duleedka magaalada Jowhar, waxaana qaraxa ku geeriyooday seeygeeda oo la oran jiray Marxuum Cabdi Ciise Cali kaasi oo ka ganacsanjiray cadayga, waxaana ay ka midtahay qoysaskii maanta loo qeybiyay min labo boqol oo dollar.

Qadiijo Colow Salaad waa Hooyo heysata ilmo agoon ah, waxaana ka geeriyooday seygeeda oo bajaajle ahaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Marxuum Liibaan Cabdi Maxamed.

Ismahaan Cabdiraxmaan Axmed waxa ay heysataa afar carruur ah oo uu aabahood ka mid ahaa dadkii lagu waayay meydadkooda qaraxii Zoobe.

Qadro Carab Cabdi waxa ay qaraxii Zoobe ku weysay seygeeda oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cabdirashiid Mukhtaar Sheekh, waxaana ay heystaa carruur agoon ah, hadana waxa ay leedahay Uur.

Muxubo Cabdi Cismaan waxa qaraxa uga geeriyooday afar gabdhood oo labo ka mid ah ay ahaayeen Walaalaheed, midna habar yarteed ayaa dhashay oo waxa ay ahaayeen ilmo habreed, halka midda afaraad uu qabay walaalkeed, iyadoo gabdhaha geeriyooday ay midkood ka tegtay canug ay umusha kula jirtay.

Aabe Cumar Xaaji Maxamed waa aabe aan dhameystirneyn lixaadiisa, waxaana uu qaraxu ku waayay labo qof oo kala ah wiil iyo gabar, kuwaasi oo ka shaqeynayay goob ganacsi uu ku lahaa afaafka hore ee bisha cas Soobe, waxaana uu Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway uga mahadceliyay deeqda lacageed ee ay maanta soo gaarsiiyeen.

Deeqda lacagta ah ayaa la guddoonsiiyay ilaa iyo sagaal qoys oo ka mid ah kuwii ay saameynta ku reebtay musiibadii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho iyo labo qoys oo kale ku tabaaleysnaa magaalada.

Maxamed Muxiyadiin Cabdullaahi oo ah Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Milk way  Community Center ayaa sheegay in kaalmada lacageed ee loo soo dhiibay ay gaareysay 2,000 (labo kun) oo dollar, taasi oo 18- boqol oo ka mid ah loogu talagalay sagaal qoys halka labada boqol oo kale la guddoonsiiyay gabar heysatay shan carruur ah oo aabahood kal hore uu ka geeriyooday iyo Aabe tabaaleysanaa oo heystay carruur ay kaga geeriyootay Hooyadood.

Ururka Dhallinyarada Milk-way Community Center ayaa sheegay in kaalmo tan la mid ah ay gaarsiin doonaan dadka aan maanta nasiibka u yeelan deeqda lacageed ee ay qeybiyeen.

 

Mohamed Moallim Hassan White-ka

Previous Post

Wasiir Amniga XFS oo Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga

Next Post

Siyaarada Sheekh Yuusuf oo lagu qabtay Xeraale

Next Post
Nabadoono ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xeraale.

Siyaarada Sheekh Yuusuf oo lagu qabtay Xeraale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In