Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Suxufiyiinta Gobollada Dhexe oo Cambaareeyay Xarigga wariyaal lagu xiray Galgaduud

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ururka Suxufiyiinta Gobollada Dhexe oo Cambaareeyay Xarigga wariyaal lagu xiray Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Suxufiyiinta Gobollada dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay Xarigga ay Culimada Ahlusunna ugu geysteen Magaalada Dhuusamareeb Shan ka mid ah Saxafiyiinta ka howl galaysay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Ciidamadda Culimada Ahlusunna ayaa qaadey Xalay Howlgal ay si gaara Ugu beegsanayeen wariyayaasha ka howlgala Magalada Dhuusamarreeb waxaana ay ku qabteen Howlgalkoodii xalay sadex wariye oo qaarkood laga soo dhex watay iyagoo la caweynayay Carruurtooda halka kuwa kalena laga dhex qabtay goobahoodii shaqo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wariyayaasha xalay Xabsiga u hoyday ayaa kala ahaa Wariye Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo kamid ah Wariyayaasha u shaqeeya Warbaahinta Dawladda, Wariye C/Jamaal Macallin Axmed oo ah wariye ka tirsan KalsanTV iyo Radio Bar-kulan iyo Wariye Bashiir Maxamed Salaad Bashiir Sanka) oo ahaa wakiil Wareedka Horn CableTV ee Gobolka Galgaduud.

Hawlgal kale oo kaas lamid ah oo ay saaka qaadeen Ciidamada Ahlsunna ayaa lagu Bartil maameedsaday Idaacada Codka Bartamaha oo kamid ah idaacadaha ka howlgala Magaalada Dhuusamarreeb waxaana jir dil iyo Xarig loogu gaystay qaar kamid ah wariyayaashii warbaahintaasi Madaxa banaan ee Codka Bartamaha.

Wariyayaasha halkaasi laga watey saakay ee iyagana la xiray Waxaa kamid ah wariye  C/laahi Warsame Rooble oo u shaqeeya Idaacadda Codka Bartamaha ahna wakiil wareedka Radio Kulmiye ee Magaalada Muqdisho iyo wariye Laylo Nuur Cilmi oo iyaduna ah wariye ka tirsan warbaahinta Codka Bartamaha ee magaalada Dhuusamarreeb.

Weerarkaan ay Maamulka Ahlusunna ku qaadeen wariyayaasha ayaa Yimid kaddib markii Warbaahinta iyo wariyayaasha ku sugan  Deegaannnada ay maamulaan ay ka biya diideen Sharci Cusub oo ay soo saareen Maamulka Ahlusunna kaasi oo loo soo bandhigay maamulka iyo wariyayaasha Warbaahinta ka howlgasha Deegaannadaasi oo lagu yiri aqbala oo Saxiixa, waxaana Wariyayaashu  ay codsadeen in inta aan la soo bandhigin ay habooneed in lagala tashodo si wax looga badalo ama wax lagu wada heshiiyay uu noqodo sharciga Cusub ay keeneen Ahlusunna, Sharcigaan ayaa ah mid gabi ahaanba Ka hor imaanaya Saxaafadda xorta ah iyo Xaquuqda madaxa banana ee uu Wariyuhu leeyahay.

Bishii may ee Sanadkaan ayaa ahlusunna waxay sidoo kale ay Xirtay Radio Galgaduud xaruntiisa Magaalada Guriceel 18/ May 2015 kaasii oo xinraa mudo 13 cesha ah waxaana sidoo kale ay Ahlusunna mudo 48.saac ay xabsiga dhigeen Agaasime ku Xigeenka Radio Galgaduud C/qaadir Guure Maalin ka hor Xiritaankii Radio Galgaduud 17/ May 2015.

Previous Post

Muungaab oo Ammaanay Ururada Haweenka Gobolka “SAWIRRO”

Next Post

Aqoon isweydaarsi ku saabsan nidaamka Federaalka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post
Qoysas danyar ah oo deeq Raashin ah loogu Qeybiyay Gaalkacyo “Sawirro”

Aqoon isweydaarsi ku saabsan nidaamka Federaalka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In